Guddiga Wadada Baligubadle Oo Guddiga Dawga Cad Ku Casuumay Baligubadle

0
771

Picture1

Hargeysa (Geeska) Guddida dhismaha Wadada Baligubadle iyo Hargeysa isku xidha ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay gudida dhismaha wadada Dawga Cad.

Hadhimo sharafeedan oo ka qabsoontay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd maalintii khamiistii  ayaa ka hor waxa ay soo mareen labada guddi jidka wadada baligubadle, waxaanay halkaasi ka soo jeediyeen hadalo kala duwan.

Ugu horeyn Sheekh Mubaarak Muuse oo ka mid ah gudida dhismaha wadada Baligubadle ayaa yidhi “Waxa aanu taaganahay wadada baligubadle iyo hargeysa isku xidhaysa, waxa aanu soo dhaweynaynaa Gudida wadada dawga cad oo runtii safar indho-indho ah wada, waxaanan ka wada shaqaynaynaa iskana kaashanaynaa wax wada qabadka iyo wadooyinka iyo horumarka dalka” ayuu yidhi Sheekh Mubaarak Muuse.

Gudoomiyaha Gudida dhismaha wadada Baligubadle Hargeysa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isaguna halkaasi ayaa yidhi “Maanta farxad weyn bay noo tahay in aanu walaalahayo gudida dawga cad in aanu halkan ku soo dhaweyno oo waxa aad maqli jirteen uun laba magaalo ayaa la walaaleeyee waxa aanu ku walaaloobi doonaa labadaas wado sidii aanu dhamaystiri lahayn.

Anigu waan tagay dawga Cad, waxaanad moodaa dawga sheekh, taasna waxa aanu sheegayaa qurbe jooga aan waligoodba arag, wadadii sheekh ee Imaaraadka iyo China inoo dhisay tii oo kale ayay wadaan hawsha ay wadadaas ka wadaana caloosha ayaan uga duceeyay” ayuu yidhi.

Eng. Maxamed Muuse Cali oo ka mid ah gudida dhismaha wadada Baligubadle oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Marka hore waxa aan soo dhaweynayaa gudida dhismaha wadada Dawga Cad, runtii gudidda Dawga cad qaarkood bay maanta ugu horeysaa kolay in ay arkaan Dhismaha wadada Baligubadle, intan aad aragtaan waa 5km, waxaanay iminka afka saartay wadada xadka ay magaaladda Baligubadle la wadaagto Magaaladda Hargeysa, waxaana noo qorshaysan in kolba meesha jilicsan aanu awooda saarno oo halkan aad arkaysaan waa meeshii la odhan jiray xidhka maydka.

Insha allaah waxa aanu dhawaanahan bilaabi doonaa qaybtii labaad ee Gobolka Hawd, halkan aynu soo marnay waa shantaas kiiloo mitir, laakiin waxa ka horeeya laba ilaa saddex Kiiloo mitir oo iyaguna isku xidhaysa Wadada Axmd Dhagax iyo wadada baligubadle, in kasta oo halkan aynu joognaaba ay tahay axmed dhagax, hadana waa wadadii Magaaladda Baligubadle tagaysay” ayuu  yidhi.

Sidoo kale Engineer Axmed Warsame Siciid oo ka mid ah gudida dhismaha wadada Dawga Cad oo isaguna halkaasi kalmado kooban ka soo jeediyay ayaa yidhi “Aad iyo aad baanu runtii uga mahad celinaynaa soo dhaweynta balaadhan ee ay gudida dhismaha wadada Baligubadle Hargeysa nagu qaabileen.

Waxaanan runtii halkan u nimid in aanu wada tashi ka yeelano, wax wada qabadna kala samaynayo labadayada wado ee wadada dawga Cad iyo wadada baligubadle-Hargeysa.

Halkan waxa aanu ku aragnaa wado wanaagsan oo casri ah oo ka horeysa wadooyinka kale ee ay gudiyadu wadaan, runtiina wadadani waa mid dhaxal gal ah, si fiicana looga shaqeeyay, waanay ku mahadsan yihiin gudida baligubadle – Hargeysa ee hawshan fulisay.

Wadooyinku marka hore waa horumarka dalka, hadii aanay wado jirin dalku wuu kala wada goo’an yahay, hadii aanay wado jirin dhaqaaluhu kobci maayo, markaa wadadu waxa ay ka horeysaa cuntada iyo guriga la galayaba” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Gudida Dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta farxad weyn ii ah in aan maanta halkan aynu joogno oo aynu ku aragno hawsha laga qabtay wadada Baligubadle – Hargeysa, aad iyo aad bay gudidu u mahadsan tahay, shaqo badan ayay qabteen, in lala qabtana waa loo baahan yahay.

Waxa kale oo aan ilaahay uga mahad celinayaa dadkeenii loo arki jiray in aynu baryo ku nool nahay, in aynu maanta xoogeena, cududeena iyo gacanteenaba wax ku qabsano.

Dadkeena gudaha jooga iyo kuwa dibada joogaba waxa aan leeyahay dalkeenii inaga ayuu ina sugayaa, sidaas ay wadadaasi u qurux badan tahay, ayaynu inaguna u qurux badnaanaynaa, sida ay u fool xumaantana waynu u fool xumaanaynaa” ayuu yidhi.

Axmed Ibraahim oo ka mid ah gudida horumarinta Beelaha Arab oo ka dib markii ay labada gudi soo gaadheen Magaaladda Baligubadle kalmado kooban oo soo dhaweyn ujeediyay ayaa yidhi “Waxa aan aad u amaanayaa labada gudi ee Dawga Cad iyo baligubadle – Hargeysa oo safaro is weydaarsaday waxa aan labadaba ku amaanayaa sida tabaruca ah ee ay iskood isugu xil saareen oo runtii xoogoodii iyo maalkoodiiba u huray in ay ka qayb qaataan, wax dadka iyo dalkaba anfacaya, runtii waxa aan filayaa kulamadaas aad is weydaarsateen, waa khibradihii oo la isweydaarsanayo.

Labada jid ee ay gudiyadani wadaana waa laba wado oo muhiimad gaar ah u leh, jidkaas dawga cad ee buuraha ka dhaadhici jirayna waxa uu ahaa meel aad u dhib badan, runtiina carqalad badan ku haysa, halka laga bilaabay iyo halka la gaadhsiiyayna waxa aan u arkaa in ay ku haboon tahay” ayuu yidhi

Rashiid Carab oo ka mid ah qurbe jooga Gobolka Hawd oo isaguna madasha erayo kooban ka soo jeediyay ayaa yidhi “Runtii labadiina gudiba waxa aad qabateen hawl aad u fiican, waxaanan idinku bogaadinayaa hawshaas khayriga ah ee aad qabateen.

Waxa aan ku dari lahaa runtii qurbe jooga iminka waxa hor booda oo inta badan hawlaha qabtaa waa dumarka iyagana amaan baan u dirayaa oo waxa aan leeyahay labada wadoba dhismahooda ha laga soo qayb galo” ayuu yidhi

Dhinaca kale Cali oo ka mid ahaa gudida dhismaha wadada Dawga Cad oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Wadada Baligubadle-Hargeysa waxa ay isku xidhaysaa magaalo taariikh ku leh dalka oo ah xaruntii Halganka dhismaheeduna waxa uu u leeyahay dalka oo dhan taariikh u gaar ah.

Wadada dawga cad iyo Baligubadle hadii ay isku xidhmaana runtii dalka oo dhan baa isku xidhmaya, waxaanan amaan ujeedinayaa gudida dhismaha wadada baligubadle oo wax weyn qabtay.

Gabogabadiina Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay duqa Magaaladda Baligubadle iyo xubno kale oo bogaadiyay is dhex galka labada gudi ee Wadooyinka Baligubadle iyo dawga cad.