Guddiga Wadada Baligubadle Iyo Hargeysa Oo Lacag Ka Gudoomay Haweenka Sucuudiga

0
659

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddiga dhismaha wadada isku xidhaysa Hargeysa iyo Baligubadle, ayaa lacag ka guddoomay haweenka gobalka Hawd ee ku nool magaalooyinka Riyaad iyo Dahraan ee Sucuudiga. Guddigan, ayaa waxa ay haweenkaas ka guddoomeen lacag dhan $ 5705 (Shan kun toddoba boqol iyo  shan dollar), waxaana lacagtaas soo qaaday Saado Nuur Naaleeye oo wakiil ka ahayd dumarkaas, waxaanay ku wareejisay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ah guddoomiyaha guddigaas wadada Baligubadle iyo Hargeysa.

Xildhibaan Nacnac oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahadceliyay haweenka lacagta soo ururiyay, waxaanu baaq u diray cid kasta oo wadadaas ka qayb qaadanaysa..

Sheekh Mubaarik Muuse oo ka mid ah isaguna guddiga wadada ayaa isaguna haweenka uga mahadceliyay lacagta ay soo gaadhsiiyeen, waxaanu bogaadiyay haweenkaas, isagoo haweenka kalena ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaas.