Guddiga Ruqsad Bixinta Iyo Anshax-Marinta Qareenada Oo Ruqsado Guddoonsiiyey Qareeno Cusub

0
978

Hargeysa:(Geeska)Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada Somaliland, ayaa Dufcaddii ugu horraysay ee qareenno shuruudihii looga baahnaa Buuxiyey Guddoonsiisay Ruqsadihii qareennimada looga Baahnaa.

Guddigan oo ka kooban Toddoba xubnood oo kala ah 2-Xubnood oo wasaaradda Caddaaladda ka socota, 2-Xubnood oo Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Ka kala socda,2-Xubnood oo Guddida qareenada ka socota iyo Xubin Maxkamadda sare ka socota, ayaa Munaasib kooban oo ay ku qabteen Hutel Emperial ee magaalada Hargeysa, waxa Ruqsado ku guddoonsiiyeen Tiro kooban oo Qareenno ah, kuwaas oo ay Guddi ahaan u aqoonsadeen inay soo buuxiyeen dhammaanba shuruudihii looga Baahnaa.

Garyaqaan Maxamed Siciid oo kamid ah Saree e Ururkaas kamid ah oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey baahidda keentay abaabulka ururkan,  “Haatan ka hor wasaaradda Caddaaladda ayaa ruqsadda qareennimada bixin jirtey si loo ilaaliyo Madax bannaanida Qareennada waxa laga qaatay xeerar caalami ah, Somaliland sida caalamkaba waxa ay meelmarisay xeerka Qareenada, kaas oo waajib ka dhigaya in qareenku madax bannaanaado, mar haddii ay hore xukuumaddu u bixin jirtey ruqsadda qareenka anshax marintiisana ay gacanta ku hayso taas waxanu ka gallay dedaal dheer oo aanu ku guulaysanay in xeerkaas la ansixiyo 2004-tii, kaas oo sheegaya samaynta Guddi madax bannaan oo ruqsadda bixisa anshax marintoodana ka masuul ah.” Ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Siciid.

Guddoomiyaha Guddiga Ruqsad-bixinta  iyo Anshax-Marinta Qareenada Somaliland Garyaqaan Yuusuf Kirix Cawed oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa ka sheekeeyey dedaal uu sheegay inay usoo mareen sidii Guddida loogu heli lahaa xarun ay ku hawlgasho, loona hirgelin lahaa wixii kale ee muhiimka u ahaa, waxana uu yidhi,“Waxanu ku guulaysanay inaanu Xafiis, Gaadiid, Shaqaale iyo wixii kale ee hawsha lagu gudan lahaaba aanu suurogelino, annagoo kaashanaynaa Samir iyo dulqaad, maadaama aanu aaminsan sanahay in Guddigani muhiim u tahay shaqada qareenada iyo  nolosha shacabkaba.”

Guddoomiye Yuusuf Kirix waxa uu faahfaahin ka bixiyey Hawsha Guddi ahaan ay u xilsaaran yihiin,“Hawshayadu waa laba arrimood oo kala ah, inaanu difaacno oo ilaalino qareenada ka Hawlgala maxkamadaha kala duwan ee Dalka, wixii xeerkaasi uu qareenka siinayana annagaa difaacayna. Waxa kale oo meesha  taalla inaanu dadweynaha laftooda difaacno oo aanu qareenka ku ilaalino inuu hawshiisa guddo oo dadweynaha uu u shaqaynayo dhibka ka ilaaliyo. Qareenna annaga waa noo qareen uun ururkuu doono haka tirsanaadee.”

Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata ku adkaystay inay daba-gal dheeri ah ku samayn doonaan Qareenada Dalka ka hawlgala, isla-markaana aanay dhici doonin inuu Garyaqaanku Cidda uu difaacayo ku xadgudbo,

“Waajibaadka Guddidan waxa kaw ka ah qareenku waayo aragnimadii iyo aqoontii uu cid ku meteli lahaa ma leeyahay iyo inaanu dhiirrigelinno oo difaacno, isla-markaana aan si yar oo fudud la iskaga qabsan, maanta laga bilaabose xisaabtan baa jira oo ninka qareenka ah ee cid u shaqaynaya waanu daba gelaynaa.Cidna uga habran mayno hawshayada Guddi ahaan xeerku noo tilmaamayo, Wasiirna nama xukumo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Yuusuf Kirix Cawed.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka Hadlay Hormooddada Kulliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha Hargeysa iyo Golis, Guddoomiyaha Dallada ay ku bahoobeen Urrurada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xubno  kale, waxana ay dhammaantood ka markhaati kaceen baahida loo qabay Guddigan, waxana ay tilmaameen inay halkaas  ku dedaalaan inay ka tagaan dhaxal   taariikhda gala oo lagaga daydo.