Guddiga Joogtada Ah Ee Wakiilada Oo La Kulmay Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland

0
534

Picture2Hargeysa (Geeska)-Guddida joogta ee Golaha Wakiilada, oo muddooyinkii ugu dambeeyey kulano xog waraysi ah la yeelanaayey qaar ka mid ah Masuulyiinta xilalka ka haya Xukuumadda, ayaa Shalay kulan la yeeshay Taliyaha Laanta Socdalka Somaliland Gashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro). 

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Guddida Joogta ahi ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Wakiilada,ayaa  Guddoomiye ku xigeenka Guddida joogta ah Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, wuxuu markii uu kulanku dhammaaday saxaafadda uga waramay waxyaabihii ay  Taliyaha Laanta Socdaalka kala hadleen “Kulan dhawr sacadood qaatay ayaanu la yeelanay waxa aanu kala hadlaynay oo aanu kala sheekaysanay waxyaabo ku saabsan hawlaha uu Imigarayshanku qabto, arimaha ugu waaweyn ee aanu ka waraysanay waxa ka mid ahaa soo galeentiga faraha badan ee Xuduudaha ka soo talaabaya oo warbixin ayey naga siiyeen, waxayna noo sheegeen inay barnaamijyo ay u diyaariyeen ay doonayaan inay Mustaqbalka ku diiwaangeliyaan, waxa kale oo ay noo sheegeen sida ay Basaboorada iyo arimahaas oo kale ugu shaqayaan, kolay waa Ciidan oo arimo fara badan ayaa u baahan in la ilaaliyo, laakiin warbixin ayaa arimahaas naga siiyeen, aad iyo aadna wey u mahadsan yihiin, kulankayguna intaas ayuu ahaa”

Taliyaha laanta Socodka Somaliland Gaashanle sare  Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka hadlay waxyaabihii uu guddiga uga warbixiyay.

Dhinaca kale waxa uu Taliyaha Laanta Socdaalku waxa uu ka waramay inay xilkooda si wanaagsan u gutaan, bulshadana wax badan u fududeeyaan.