Guddiga Doorashooyinka Oo Hortagay Guddiga Joogtada Golaha Guurtida

0
632

Picture7Hargeysa (Geeska)-Guddida joogta ee Golaha Guurtida ayaa  kulan xog wareysi ah oo ku saabsan hawlaha shaqo, halka ay u marayso hawlihii Diwaangelinta cod bixiyayaasha iyo u diyaar garawga Doorashooyinka ay la yeesheen Guddida Doorashooyinka  Somaliland.

Kulan xog wareysiga oo Shalay ka dhacay Xarunta Golaha Guuritda ayaa xog iyo warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee Guddida Doorashooyinka waxa  siiyey Guddida joogta ah ee Golaha Guuritda  Guddoomiyaha Komishanka  Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Komishanka Siciid Cali Muuse, waxayna sheegeen inay hadda   wacyi galintii Diwaangelinta ay wadaa.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isagu ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa sheegay  in qalabka diwaangalintu yahay mid dhamays tirsan waxaanu xusay in aanu qofna laba jeer ama in ka badan is diwaangalin karrin waxaanu yidhi “Waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo. Sababta aanay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid bu’da isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala. Bu’da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galnay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn 5 sikin ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay"

 Afhayeenka Guddida Komishanka Siciid Cali Muuse oo isna halkaas ka hadlay ayaa dhankiisa  yidhi  “Waxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diwaangalin dhab ah oo qofka da’da 16-ka taagan u suuro galinaysa inuu is diwaangalin karo, oo qofka wiil iyo gabadhba maalinta doorashada haddii da’diisu gaadho 16 u suuro galinaysa inay maalintaas codkooda bixin karaan, taasina waa mid qalabka casriga ahi suurto galinayso oo uu odhanayo qofkaasi waa mid maalinta doorashada ama maalmo ka hor 16 jirsaday.

Anagu waxaanu doonaynaa oo naga go’an oo komishan ahaan naga go’an in aanu guud ahaan xuduudaha Somaliland diwaangalinta iyo doorashada gaadhsiinno.”