Guddiga Doorashooyinka Oo Afar Qodob Oo Amar Ah Dul Dhigay Saddexda Xisbi

0
613

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaran ayaa afar qodob oo amaro ah dul dhigay xisbiyada qaranka, ka dib markii sida ay sheegeen ay KULMIYE iyo Waddani muujiyeen dedaalo u eego olole siyaasadeed oo ay ka dhex bilaabeen diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Komishinka-Doorashada-SL

Qoraalkan oo uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, wuxuu u dhignaa sidan “Guddiga doorashooyinka qaranku, waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi qaran iyo madaxdoodaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.

Hase yeeshee waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo Waddani, gaar ahaan labada gobal ee Togdheer iyo Awdal, haddaba si looga hortago soo noqnoqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majaro habaabiyo habsami u socodka hawsha diiwaangelinta cod bixiyayaasha, komishanka doorashooyinka qaranku, isagoo tixraacaya qoraalka ku taariikhaysan 07/03/2016 ee guddiga ilaalinta anshaxa cod bixiyayaasha, wuxuu soo saaray awaamiirtan.

1. In laga bilaabo 8 March 2016, saddexda guddoomiye xisbi qaran aanay tagi karin gobalka diiwaangelintu ka bilaabmi doonto muddo 15 cisho ka hor maalinta diiwaangelinta.’

2. In guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran oo wata min 7 xubnood ay ka soo qayb galaan maalinta daah-furka diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee gobal kasta, iyadoo xisbi waliba wato ugu badnaan 5 baabuur oo aan lahayn istiikaro, mikirifoon iyo sawiro, waxaanay gobalkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo saddex maalmood oo ka horeeya.

3. Waxa looga digayaa xisbiyada qaranka inaan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo sawiro lagu xardhay murashixiin sheeganaya inay u tartamayaan Baarlamaanka, ka hor mudada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan guddiga doorashooyinka qaranka.

4. Xisbi kasta oo jebiya awaamiirtan komishanka doorashooyinka qaranka, waxa lagu ciqaabi doonaan xeerka diiwaangelinta, xeerka hab dhaqanka diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo xeerarka kale ee qaranka ee khuseeya doorashooyinka.