Guddiga Doorashada Oo Kormeer Qiimayn Ah Ku Maraya Gobalka Sanaag

0
571

Hargeysa(Geeska)-Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka, ayaa safar ku jooga magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, waxaanay kulamo la qaateen shaqaalaha komishanka iyo jaamacadaha gobalka Sanaag.

1

Afhayeenka Guddiga Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay inay shaqaalaha u direen qiimayn inay ku soo sameeyeen goob kasta oo laga sameeyay diiwaangelin, si loo bilaabo qaybintii kaadhadhka. “Sidaad la socotaan, ilaa salaasdii safar ayaanu ku jirnay, gobalo ayaanu soo marnay Togdheer, Sool imikana Sanaag ayaanu joognaa, xubnihii kalena hawl ayay ku maqanyihiin gobaladii kale oo ay safar ugu maqanyihin” ayuu yidhi, isagoo intas raaciyay “waxay ahayd ujeedada safarkayagu, inaanu la shirno shaqaalihii degmooyinka aanu soo marnay, waxaanu kala shiraynay sidii ay hawshii uga sii qayb qaadan lahayeen, Kaadhadhkii daabcadoodii way socotaa, waxaanay ka socotaa xarunta komishanak Hargeysa.”

Cabdiraxmaan Aadan, oo ka tirsan guddiga doorashada, ayaa isna reer Sanaag ugu baaqay inay u diyaar garoobaan qaadashada kaadhadhka, “Waxaanu shaqaalihii gobalka iyo degmooyinka u kala dirnay goob kasta oo laga sameeyay diiwaangeln, waxaana kaadhhka la gayn doonaa goob kasta oo laga sameeyay diiwaangelin, waxaanu dadkana ugu baaqaynaa inay u diyaar garoobaan qaadashada kaadhadhka si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah.” ayuu yidhi.