Guddiga Doorashada Iyo Murashixiinta Saddexda Xisbi Oo Maanta Kulan Muhiim Ah U Balansan

0
552

Saddexda murashax Muuse, Cabdiraxmaan iyo Faysal, ayaa maanta barqada la filayaa inay shir muhiim u ah arrimaha doorashada la galaan guddiga doorashada, waxaanay ka wada hadlayaan suurtogalnimada inay doorashadu qabsoonto March 2017, iyadoo ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo isa soo taraysa.

1

Guddiga doorashada ayaa ka soo laabtay safar ay ku tageen gobalada dalka oo ay ugu kuurgaleen in goobahihii ay iska diiwaangeliyeen kaadhadhka loogu gayn karo dadka shacabka ahi si ay u codeeyaan doorashada. Warbixintaas ayaa la filayaa inay saddexda xisbi u soo bandhigaan.