Guddiga Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiillada Oo Laalay Kootadii Haweenka

0
545

“Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka, sidaasi darteed waxa la laalay…”

Hargeysa (Geeska) – Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo.

Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, laakiin Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor imanayo Dastuurka oo sheegaya in Muwaadiniinta Somaliland u siman Sharciga hortiisa marka ay tahay doorashada, sidaasi darteedna aanay jirin wax Kooto ah oo Dastuurku sheegay.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo Gole-weynaha u faahfaahinaya qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen iyo kuwa ay laaleen ayaa yidhi “Qodobka 36-aad Farqaddiisa koowaad ‘Xuquuqda Xorriyadda iyo waajibaadka uu Dastuurku uu xaqiijiyey, Haweenku way ula siman yihiin Ragga wixii Shareecada Islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki oo soo xiganaya Dastuurka, waxaanu intaa ku daray oo sheegay inay Laaleen Farqado ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ogolayna wax kooto la yidhaahdo, siinayana xuquuq siman Muwaadiniinta Somaliland, sidaasi darteed waxa la laalay Qodobbada 76-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad.”

Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki waxa kale oo uu ka hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada “Guddiga Arrimaha guduhu iyagoo ka duulaya War-bixintii ay ka soo diyaariyeen Gobollada iyo degmooyinka dalka, markay arkeen in lagu kala qaybsan yahay, Cabasho badana ka jirto arrimaha Saami-qaybsiga, gaar ahaan Gobollada darafyada Somalilad, inay lagama maarmaan tahay in la helo Hanaan ama Qaab Saami-qaybsi oo ay Raalli ka wada yihiin heshiisna ku yihiin Dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka. In arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu aanay ahayn mid sharci oo keliya, balse ay Tahay Carqalad siyaasadeed iyo degaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in xal waara loo helo. Waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa Golaha inuu go’aan ka qaato arrimaha Saami-qaybsiga ee ay Cabashadu ka jirto, in Goluhu uu wax ka beddel ku sameeyo Saami-qaybsiga ku xusan Xeerkan Qodobkiisa 78-aad ee habka qaybinta Kuraasta Golaha Wakiillada.”
Ugu dambayn, Xeerka doorashada ee Guddiga arrimaha Guduhu wax ka beddelka iyo kaabista ku soo sameeyeen ayaa loo qaybiyey Mudaneyaasha Golahaasi si ay u soo akhriyaan, si Maalmaha soo socda loo ansixiyo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office