Hargeysa (Geeska)-Saddex Wasiir oo ka mid ahaa Wasiiraddii ay u yeedheen Golaha Guurtidu, gaar ahaan Guddida Arrimaha Bulshada ee Guurtida, ayaa shalay hor yimid Guddidaas.
Saddexdan Wasiir oo kala ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cukuse, ayaa Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guuritda si gooni gooniya ula kulmeen Wasiiraddan, isla markaana kulankoodu ahaa is xog wareysi ku saabsan xilka iyo hawlaha shaqo ee ay Wasiiraddani u hayaan Qaranka iyo halka ay wax u marayaan.
Kulamadaas oo Saxaafaddu daba joog ka ahayd, ayaa markii kulamadan gaar gaarka ah ee Guddida Arrimaha Bulshada iyo Wasiiraddani dhammaadeen waxa diiday inuu Warbaahinta u waramo Wasiirka Wasaaradda Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, isaga oo u muuqda inuu iska diidayo in halkaas su’aalo kala duwan oo ku saabsan hawlihiisa shaqo la weydiiyo, waxaanu si deg deg ah u fuulay Gaadhigiisi, halka Wasiiradda kale ay ka xog warameen ujeedada kulankan, waxaana si faah-faahan uga warameen hawlahooda shaqo waxaana ay u mahadnaqaeen Guddidan,.
Dhinaca kale waxa ay Guddid u yeedhay oo maanta la filayaa inay hor yimadaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maayarka Caasimadda iyo Maareeyaha Wakiilada Biyaha Hargeysa si ay ula yeeshaan xog wareysi la xidhiidha hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan.