Dhoofinta Xabkaha Iyo Beeyada Ma Cid Gaar Ah Ayaa Kooto Loogu Xidhayaa?

0
618

Hargeysa(Geeska)-Warar aan la xaqiijin balse u muuqda inay isa soo tarayaan ayaa sheegaya in la filayo in xukuumadda Somaliland cid gaar ah qandaraas ugu xidho dhoofinta xabkaha beeyada iyo maydiga.

1

Ganacsigan oo ay hadda dhoofiyaan qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland oo ka iibsada dadweynaha gobalka Sanaag qaarkood, ayaa wararku waxay sheegayaan in la filayo in cid gaar ah qandaraas loogu xidho taas oo ah waxa loo yaqaan kootada.

Ganacsato reer Somaliland ah ayaa wakhtigan dhoofiya xabkahan, waxaanay si gaar ah u dhoofiyaan Beeyada oo soo go’da inta u dhexeysa bilaha March ilaa bisha June, waxaana xabkahan laga soo sameeyaa udugyo caalami ah oo kala duwan oo qaarkood dib ugu soo noqdaan suuqyada Somaliland iyo kuwa Afrikaba.