Guddidii Obama Siisay U Xushay Abaal Marinta Nabadda Ee Caalamiga (Noble Prize) Maanta Way Ka Murugaysan Yihiin

0
618

Washington (Geeska)- In ka badan Shan sano oo ayaa ka soo wareegtay markii Obama la siiyey abaal marinta caalamiga ah ee nabadda, laakiin weli riyadii laga filayey ma’ uu rumayn madaxweynaha Maraykanku. Xoghayihii guud ee hore ee guddida caalamiga ah ee Abaal marinta nabadda (Noble Peace Prize) ayaa si cad u sheegay in uu aad uga xun yahay in sannadkii 2009ka Barak Obama la siiyey abaal marintan caalamiga ah, maadaama oo aanu weli ka midho dhalin rumaynta natiijadii ay guddidu ka filaysay ee sababtay in ay isaga xushaan, taas oo niyad jab ku ridday.

Buugga xusuus qorkiisa oo dhowaan soo baxay ayaa uu Geir Lundested ku sheegay in guddidii uu xoghayaha guud u ahaa ay Obama abaal marintan siisay isaga oo 9 bilood oo keliya hayey xilka madaxweynaha dalka Maraykanka, arrintaas oo marka horeba dhalleecayn badan looga soo jeediyey Maraykanka gudihiisa iyo meelo badan oo dunida ka mid ah, laakiin sida uu Lundestad sheegayo ujeedada guddidu u siisay abaal marintani waxa ay ahayd iyada oo filaysay in ay tani dhiirrigelin weyn u noqon doonto madaxweynaha Maraykanku dadaalka uu ugu jiray in uu dunida ka dhigo meel ka ammaan badan sidii ay markaas ahayd oo weliba ka madhan hubka Nukliyeerka ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska TIMES ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in arrintan iyo arrimo kale oo badan oo uu Lundetad buuggiisan ku sheegayaa ay noqonayaan markii ugu horreysay ee xog sidaa u culus laga helo gudaha guddida xulista ruuxa la siinayo abaal marinta caalamiga ah ee Noble Prize, guddidaas oo muddo 50 sano ah oo ay shaqaynaysay ay arrimaheedu sir u ahaayeen. Lundestad waxa uu xoghayaha guud ee guddidan ahaa intii u dhexeysay sannadkii 1990kii illaa 2014kii.