Guddida Wanaag Farista Oo Ka Digay Dhaqan Xumo Dalka Ku Soo Badanaysa

0
714

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, ayaa ka digay dhaqan xumo lid ku ah Diinta Islaamka, oo ALLENA aanu raali ka ahayn oo dalka ku soo badanaysa, sida xashiishada iyo khamriga oo uu sheegay inay dalka ku soo badanayaan.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Guddi ahaan ay soo dhaweeynayaan dareenkii dadweynaha, mawqifkii Culimada iyo go’aankii Xukuumadda ee ku saabsanaa arinka Kiniisada, waxaanu yidhi ugu horeyn  “ILLAAHAY baa mahad leh, Haddii aanu nahay Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, markii horeba mawqifkaygu wuxuu ahaa mawqifka Culimida iyo go’aanka ay Dawladdu ka qaadatay, arinka kiniisada, waxaana aad ugu faraxsan nahay Dadweynaha reer Somaliland miyi iyo magaalaba meel kasta oo ay joogaanba, waan uga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee ay uga hadleen arinka kiinasada iyo mawqifkay ka qaateen oo ah inay diintooda iyo caqiidadooda ilaashadan, dareen fiicana wey ka muujiyeen, waxaana leeyahay dareenkaas ay muujiyeen wuxuu ahaa dareen aad u wanaagsan oo ILLAAHAY raali ka yahay, arin walba oo ku saabsan masiirka umadda ee dhinaca diinta, dhinaca dhaqanka iyo dhinac kastaba in loo midaaysan yahay ayaa fiican, haddii aan loo midoobina uma maleeynayo in qolo kaliyi wax xalin karto, arinkana wuxuu risaalad u yahay cid kastoo isku dayda inay diinteena faraha la soo gasho, wuxuu risaalad u yahay kuwa dhaqanka ka soo galaya diinta, wuxuu risaalad u yahay kuwa baraha bulshada soo dhigaya wax kasta oo diinteena lid ku ah, wuxuu risaalad u yahay qof kastoo is leh dalkan u tali, waxaana muhiim ah in dadku ogaadan qofka u talin doona,”

Guddoomiyaha Guddida wanaag faristu mar uu ka hadlaayey dhaqan xumo uu sheegay inay dalka ku soo kordhayaan ayaa yidhi “Dawladda waxaanu leenahay wax ha laga qabato xashiishada iyo khamriga dalka ku soo badanaya,haddii wax laga qaban waayana dadweynaha ayaa wax ka qabanaya, waana dhibaato, Dawladduna wey taqaana goobahaas halkay ku yaalan iyo cida wadaba, waana lala socdaa khamirga dalka soo gala, xashiishada dalka soo gasha iyo cida soo galisa ee keenta iyo meelaha la geeyaba, Dawladdana waan u sheegnay imikana waanu ogeysiinaynaa”.,

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xilka Xukuumadda iyo Culimada saaran waa xil ka duwan xilka saaran dadka kale, cida la soo dooranayo ama cida la keenayo Golayaasha ama maamulka loo dhiibayo in loo eego xagga diinta, haddii loo eegi waayana waa dhibaato”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdala,wuxuu ku taliyey in guud ahaan Hudheelada Somaliland, aanay ka dambayn 12 habeenimo, oo la xidho saacadaha intaas ka dambeeya.