Guddida Qaban Qaabada Shirwaynaha Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) Shirweyne

0
648

Hargaysa(Geeska)-Waxaa shalay Magaalada Hargaysa ka qabsoomay kulan Qado sharafeed ah oo lagu iclaamiyay Shirwaynaha Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) .

wwwwwwwwwwwwwwww

Waxaan Kulan qado Sharafta ah ka soo qeyb galay Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir , Suldaan Aadan Faarax , Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gude, Suldaan Cawil Fiiqle , Suldaan Aadan Xasan , Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse , Wasiiru Dawlaha Madxtooyada Maxamed Muuse Abees , Cuqaal tiro Badan , Aqoonyahan , Ganacsato , Culimo , iyo Masuuliyiin kale .

Waxaan ugu horeen halkaasi ka hadlay  Gudoomiyaha Guddida Qaban Qaabada SHir waynaha Xaaji Xuseen Cumar Muuse waxaanu ka warbixiyay maraaxilkii kala duwanaa ee ay Qaban qaabada soo wadeen isagoo tilmaamay in wakhti badan ay ku bixiyeen sidii u hir gali lahaa Shirkaasi isla markaana ay hawsha qaban qaabadu marayso immika gabogabo .

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in shirwayanaha Beelaha Daa’ud Ismaaciil (Ciidagale) uu dhici doono taarikhdu marka ay 10-11/ 01/2016, Goobtuna tahay Ambassador Hotel  ee magaalda Hargaysa .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Aadan Faarax , Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gude iyo Suldaan Cawil Fiiqle waxaanay Dhamaantood si isku mid ah u soo dhaweyeen una taageereen iclaaminta shirka iyo goobta lagu qaban doono .

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray iclaaminta Shirwaynaha Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) isagoo dhankiisana ballan qaaday  in Amaanka Goobta uu ka dhacayo shirka ay gacantooda dawladnimo ka gaysan doonaan .

Gabobadii kulankaasi waxaa soo gunaanaday Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan c/qaadir waxaanu sheegay in uu saamaxay dhamaan inta neceb iyo inta jecelba .

Sidoo kale Suldaanku wuxuu soo dhaweeyay Iclaaminta Shirwayanaha Beesha Ciidagale isago allena ka baryay in uu noqdo shirkii hirgala ee wax khayr qaba ka so baxaan .