Guddi U Jawaabtay Dhallinyaro Xaal-Siisay Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
691

Hargaysa(Geeska)- Guddida Guud Ee Beelaha Abokor Muuse (Ciidagale) oo ay Weheliyaan Madax Dhaqameedka Beeshaasi ayaa habeen hore Shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Baane Ee Magaalada Hargaysa .

1

 Shirkan Jaraa’id oo ay ku sugnaayeen Gudoomiyaha Guddida Guud Ee Beelaha Abokor Muuse Mudane Xasan Yuusuf Ismaaciil , Afhayeenka Guddidaasi Maxamed Axmed Mixile , Caaqil Aabi , Caaqil Maxamed Weerar , Oday Daarood ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo  Daadifeen lahaa  Shir Jaraa’id ay hore u qabteen Dhalinyaro ku abtirsata Beeshan oo Xaal Siisay  Wasiir Warancade .

 Ugu horeen waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Abokor Muuse Xasan Yuusuf Ismaaciil Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay

 “ Annagoo Ah Guddidi Abokor Muuse iyo Odayaashi waxaanu  ka hadlaynaa oo aanu ka jawaabaynaa , Bishan LIx Iyo Tobankeedi Shir Halkan lagu qabtay oo qolo dhalinyaro ahi ka hadleen , Shirkaasi oo dadkii qoonsaday aanu ka ralli galinayno , Annaguna aanu leenahay afkay ku hadleen Muu ahayn Reerka , Waxaanu leenahay cidda afka reerka ku hadli karaa waxaa weeyaan , Odayaal Dhaqameedka iyo Guddida loo igmaday , Ciddii kale ee ku hadashaa waa Cid iska Hadashay ..”

 Afhayeenka Guddida Beelaha Abokor Muuse Maxamed Axmed Mixile ayaa isna Halkaasi ka Akhriyay War-murtiyeed ka soo baxay Guddida Guud Ee Beeshaasi Oo U Dhignaa sidan :

 War Murtiyeed:-

 Guddida Guud ee Beelaha Abokor Muuse  waxay u igman tahay ku hadalka iyo matalida beelaha Abokor  dhinacyada Siyaasada  iyo Horumarka. Waxaa kale gudiddu u xilsaaran tahay  go,aan ka gaadhida wax kasta oo  Beesha la soo gudboonaada, isla markaana waa awooda kaliya ee ku hadli karta magaca Beesha, sida lagu go’aamiyey shirkii Talowadaag ee ka dhacay degmada Sallaxley 27–28  bishii August 2015.

 Haddaba, Guddida Guud ee Beelaha Abokor Muuse, waxay halkan ka caddaynayaan  in xubno ka mid ahaa  Beesha oo Sabtidii April 16th, 2016 warbaahinta qaarkood tebisay shirjaraa’id oo ay qabteen, kagana hadlayeen muran ka dhashay Xawaalka Warancadde aanay go’aankaas iyo hadalkaas midna ku metelin beeshayada.

 Waxaanu umadda reer Somaliland u sheegaynaa in magaca iyo afka Beesha ay ku hadli karaan oo keliya Guddida Guud iyo xubnaha hoggaan dhaqameedka oo ka kooban Cuqaasha iyo Salaadiinta.

Anagga Beel ahaan, door aan qaboojin ahayni noogama banaana muranka la sheegay inuu ka soo cusboonaaday xawaalka Warancadde, gar aan guurti lagaga dhigina garsoore lagama noqdo.

Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa walaaladayada beelaha Ciidagale, walaaladayada beesha Isaxaaq, maamulka degmada Sallaxley iyo xukuumadda dhexe ee Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, in xal nabad ah oo walaaltinimo lagu dhameeyo wixii khilaaf  ka jira goobtaas, iyadoo aanu ognahay in marar horeba xal wadajir ah laga gaadhay.

 Wa billaahi Tawfiiq

 Guddoomiyaha Guddida Abokor Muuse  ee Talowadaag

Xassan Yuusuf Ismaaciil,        

Gabogabadii Shirka Jaraa’id waxaa Soo Gunaanaday Kalmadana halkasi ka Yidhi Caaqil Maxamed Weerar , Caaqil Aabi Iyo Oday Daarood oo Dhamaantood si isku mid ah u Daadifeeyay Shirka Jaraa’id ee hore loo qabtay Ee lagu sheegay in lagu xaal Marinayo Wasiir Warancade .