Gud. Xigeenka Labaad Ee Wakiillada Oo Sheegay In Aanu Madaxweynuhu Sharci U Lahayn In Uu Golaha Wakiillada Kala Diro

0
604

ksHargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Somaliland Md. Cali Aw Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dastuurka dalku uu dhigayo in aanu madaxweynuhu sannadka u dambeeya muddo xileedkiisa awood sharci u lahayn in uu kala diro golaha wakiillada, golaha wakiillada cidda beddeli kartaana ay tahay uun gole kale oo la soo doortay. Haddii ay dhacdo in madaweynaha iyo ku xigeenkiisu ay xilka iskood uga dagaanna ay sharci ahaan tahay in ay ogolaadaan labada gole baarlamaan ee Somaliland. Hadalkaas oo uu Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa ka mid ahaa jawaab kulul oo uu Md. Cali Yuusuf ka bixiyey baaqa wadajirka ay u soo saareen isbahaysiga labada xisbi Mucaarad iyo Madasha Wada-Tashiga, gaar ahaan qodobka ay kaga hadleen in marka uu dhammaado muddo xileedka madaxweyne Siilaanyo  ee ku eeg 26ka Juun 2015 aanay ogolaan doonin sharciyadda xukuumadda, haddii aan wada-tashi la isugu iman.

Isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Nimkaas Odayaasha ah ee meesha iskugu tagay, waxa aan ka xumahay wax qayrul dastuuri ah oo aan sharcigeenna ku jirin, in ay isku raaceen, waxa dastuurkeena boqoliiba todoba iyo sagaashan ( 97%), ay Somaliland u codeeysay qabo ayeynu ku dhaqmaynaa, iyo xeerka Dastuurkaas laga soo dheegay, wixii ka baxsani waa wax aan waxba ka jirin”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiilada oo xilka Madaxweynaha  iyo Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Dastuurkeenu waxa uu leeyahay sababaha Madaxweynenimada lagu waayi karo oo qoran, Wakiilkinimada waxa lagu waayi karaa wuu qoran yahay. Golaha Wakiilada Sannadka ugu dambeeya Madaxweynuhu ma kala diri karo, sannadkan kow u ahna lama kala diri karo, Madaxweynuhu imika Sannadkii ugu dabmeeyey ayuu ku jiraa lama kala diri karo markaas”.

Doorasho in la qabto lix bilood gudahood, oo dabadeed Barlamaan kale la doorto, oo Dastuurka waxa inoogu taalla Barlamaan la soo doortay, waxaa beddeli kara Barlamaan kale oo la soo doortay, intaas oo sababood waxa ay tusayaan in aan imika la kala diri karayn Barlamaanka, oo ay Sharci ku fadhiyaan”

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada oo ka hadlay sida uu madaxweynuhuna xilka ku bannayn karo ayaa yidhi, “Ta Madaxweynaha, Madaxweynuhu xilkiisi waa uu gutaa, waanu jooga wakhtigiisina waa uu ku jiraa. Haddii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku ay iyagu codsadaan in shaqada laga fadhiisiyo, oo ay ka fadhiistaan taasna Barlamaanka ayaa loo soo dhigayaa, Barlamaankuna waa Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida, haddii uu ka ogoladaana kolkaas ayaa uu ka fadhiisan karaa, (Haddii laga diidana hawsha waa uu sii wadayaa). Haddii markaas uu mar kale codsado (Madaxweynuhu iscasilo), markaa labaad in laga ogolaado weeyaan, taasina may dhicin, markaas waxa aynu Somaliland ku soo dhaqanay, oo aynu ku soo kala soconay waa Dastuurka, wax markaas qeyrul dastuuriya Nimanka laga yeeli mayo, wax sharciya maaha, wax dastuuriya maaha”.