Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka iyo Madashada wada-tashiga, iyo mawqifkooda 26-june, waxaanu sheegay in aanu jirin wax ay samayn karaan mucaaradku marka taariikhdaas la gaadho.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay mawqifka labada xisbi Mucaarad, isaga oo sheegay in ay dhanna ku qanceen go’aankii Komishanku gaadhay ee ku saabsanaa Doorashada iyo Diiwaangelinta, dhanna ka hanjabayaan.
Xildhibaan Waabeeye, ka hadlaya kala sharciyadda kala dirista golaya wakiillada ee uu Guddoomiyaha golaha wakiilladu ku baaqayna waxa uu yidhi “Erayga isbahaysi ee Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha aad iyo aad ayaan ula yaabbanahay, waana wax lala yaabo, hanjabaada ka soo yeedhay ee ku saabsan marka la gaadho 26-june, iyana waa mid lala sii yaabo, wax Allaalehee, waxa ay sameeyn karaan ma jirto, sida aynu wada ognahayna Maalinta 26-june, waa Maalin inagu qaaliya, waa maalin Umadda reer Somaliland qaali ku ah, oo waa Maalintii aynu Ingiriiska ka qaadanay xoriyadeena Sannadkii 1960-kii, waxayna maalintaasi ku beegan tahay Gu, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inuu roob inoo da’o,hanjabaada iyo hadalada ka soo yeedhaya Xisbiyada Mucaaradka iyo Madashuna waa hadal iyo hanjabaad aan waxba ka jirin, dalkan dawlad ayaa ka jirta, nidaam iyo kala dambayn ayeynu leenahay, Sharci iyo Dastuur ayaa inoo yaala, markaas waxa aan kula talinaya inay xaqiiqda ku soo dhawaadan”. Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), ayaa mar uu ka hadlaayey Labada Xisbi Mucaarad yidhi “Labada Xisbi ee Waddani iyo UCID, go’aankii Komishanka Doorashooyinka wey ku qanceen, weyna soo dhaweeyeen, haddana hanjabaadda 26-june, wey ku jiraan, oo waxa ay leeyihiin go’aan ayaanu Xukuumaddan ka gaadhi doono marka la gaadho 26-june, waa wax aad loola yaabo, oo aad u kala fog, inay marna go’aanka Komishanka taageeraan, marna ay hanjabaada qayb ka noqdaan”
Xildhibaan Waabeeye, ayaa mar uu ka hadlay dib u dhac Doorashada, go’aanka Komishanka iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi, “Komishanka Doorashooyinku Saddexda Xisbi waa ay isugu yeedheen, sida ay wax u jiraan ayaana ay u soo bandhigeen, dhammaanna waa lagu wada qancay, haddii ay tahay Xisbul Xaakimka iyo haddii ay tahay Labada Xisbi Mucaarad, haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye mawqifkaygii Shalay (Doraad), ayaanu soo bandhignay, oo diyaar ayaanu u nahay, in aanu Doorashada galno, kalsoonina waanu isku qabnaa, wax baqasho ahina nama hayso” Isaga oo Xildhibaanku ka hadlaayey dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro) ee ahaa in la kala diro Golaha Wakiilada marka la gaadho 26-june, ayaa waxa uu yidhi, “Sida ku cad Dastuurkeenna iyo Sharciga inoo yaalla Golaha Wakiillada lama kala diri karo Sannadka kowaad, lamana kala diri karo Sannadka ugu dambaysa ee Xukuumadda, in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro uu yidhaahdo waan kala dirayaa Golaha Wakiilada waa qeyrul sharci, Golaha Wakiilada waxa bedeli kara oo xilka kala wareegi kara gole la soo doortay”