Gu’ga Carabta iyo Gabbal-Dhaca Israa’iil

0
4912

 

Picture4Madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Mursi, goor uu ku sugnaa tuulada Alcadwe ee Gobolka Al-Sharqiya, halkaas oo lagu aasayay walashiis oo geeriyootay Isniinta, ayaa ku tiraabay in sacaadaha soo socda la meelmarin doono heshiis xabbad joojin ah oo dhexmara Israa’iil iyo Kooxda Al-xammaas ee ka talisa Marinka Qaza.

 

“Sida aan uga murugooday geerida walaashay; sida aan uga tiiraanyooday geeridii caruurtii ku nafbaxay shilkii magaalada Asyuud, si la mid ah waxaan uga damqaday geerida walaalhenna ku dhintay gardarrada iyo aabiga Yuhuudda,” ayuu sheegay Madaxweyne Mursi isaga oo ku ladhay, “sacaadaha innagu soo fool leh ayay fuli doontaa xabbad-joojin lagu hakiyo colaadda ka aloosan Marinka Qassa.”

Erayadan, ma ahayn kuwo looga bartay Madaxda Masar ee hore kuwaas oo abbaan u ahaa fulinta wax kasta oo oo laga soo faro caasimadaha Telabib iyo Washington. Haddaba, waa maxay isbedelka yimid iyo faraqa u dhexeeyay maanta iyo shalay markii dhulka lala samay Marinka Qassa, isla markaana, iyadoo aan laba Cali is weydiin lagu gummaaday dad ka badan 1300 oo u badnaa maatto aan waxba galabsan?     

Waxay ahayd 14 November markii ay dib u soo cusboonaatay dirirta Qassa oo ilaa hadda ay ku qudhbaxeen 115 qof ka dib markii weerar cirka ah lagu dilay Axmed Jibriil oo ahaa hoggaamiyaha garabka milatari ee Kooxda Alxammaas. Sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Israa’iil weeraradan waxaa loogu magac daray “Hawlgalka tiirka Difaaca” (Pillar of defence) kaas oo sida ay sheegeen looga gon leeyahay in ay dadkooda kaga difaacaan gantaallada kaga soo dhacaya dhanka Qassa. Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa caddeeyay hawlgalku in uu yahay mid ay ku muujinayaan in ay ka dhammaatay dulqaadkii. Hadda waxii ka danbeeyana in aanay oggolaan doonin cabsi kaga timaada deriskooda.

Warcelinta ka soo yeedhay ururka Al-xammaas ee ka taliya Marinka Qassa ayaa lagu soo koobay “Dilka Jibriil in uu u dhigmo iyada oo daboolka laga qaaday kulaylkii naarta.”

Dhinaca kale, dadka uu kuur gala arrimaha Israa’iil ayaa u arka weerarada in lagu soo beegay xilli 9 toddobaad ka hadhsan tahay doorashada taasoo Neteanyahu ku raadinayo in uu ku soo jiito codbixiyayaasha isaga oo uu muujinaya in uu ka difaacyo gantaallada waxa uu ku sheegay argagaxiso caalami ah. Sidoo kale, weerarada waxaa loo arkaa kuwo lagu wiiqayo hindisaha Falastiin ku maaggan tahay in ay bishan November, mar kale, ku codsadaan in Qaramada Midoobay u aqoonsato xubin korjoogta ah (xubin aan dhammays ahayn) oo ka mid ah Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata markan in ay xisaab xumo ku dhacday Yuhuudda oo ay ilduufeen ladhka kaga soo kici kara kacdoonkii Gu’ga Carabta ee waayahanba gilgilayay dunida Carabta. Waxaa meesha ka baxay Madaxweyne Xusni Mubaarak oo si weyn u tabantaabin jiray cunaqabataynta Israa’iil ay ku hayso Marinka Qassa. Waxaa iishay cabudhinta taliskii Mubaarak ku muquunin jiray in aanu kor u bixin codka shacabku. Maanta waxaa dalka Masar ka talinaya ururka Al-ikwaan Almuslimiin oo gacansaar la leh Al-xammaas, aragtidaas oo aan sannad ka hor la maalayn karayn. Waxaa xukuumaddu ku qasban tahay in ay u dhego nuglaato shacabka xorta ah ee af-labao-daan la yeedhaya taageerada Falastiin kana soo horjeeda gardarrada Israa’iil. Waxaa aan indhaha laga qarsan karayn hirarka dadka ah ee ku bannaanbaxaya fagaarayaasha “Midaan Al-taxriir”. Yuhuudda, maanta, waxaa waano iyo wacyigelin ugu filan marka ay warbaahinta adduunka ka dheehdaan Khaalid Al-mishcal, xoghayaha siyaasadda ee Al-xamaas oo shir-jaraa’id ku qabanaya caasimadda Qaahira isaga oo ka digaya cidhib-xumada ka iman karta duqaynta  Israa’iil ku burburisay xaruntii warbaahinta ee Qassa halkaas oo fadhi u ahayd warbaahinta dalka iyo tan caalamiga sida BBC, CNN iyo Reuters. Isbedelka yimid waxaa ka marag kacaya muuqaalka  ra’iisal-wasaaraha Masar, Hishaam Qandiil oo ilmado labada dhaban qoysay isaga oo ku raran maydka ilma yar oo ku dhintay rasaasta Israa’iil. Mise weli indhahoodu ma qaban wasiirrada dalalka Carbeed oo talo loo dhan yahay kaga tallaabaya soohdinta Al-Cariish (Masar), iyaga oo aan Yuhuudda fasax weydiisan, una gudbaya Qassa si ay xanuunka u la qaybsadaan walaalahooda Falastiin?

Masar keli ku ma aha in laga dhiidhiyo gardarrada Israa’iil. Waxaa dabo taagan dhammaan dalalka Carbeed iyo Dunida Islaamka. Waxaa barbar taagan dalalka Gacanka sida Qadar iyo Sacuudiga oo ku taamaya in la xakameeyo isla weynida Yuhuudda. Waxaa hor socda dalka Turkiga oo ra’iisal wasaarahooda, Ardogan, ku dhawaaqay in laga talo baxa Qaramada Midoobay iyo dawladaha dalalka Maraykanka iyo reer galbeedka oo ku afgobaadsaday Israa’iil in ay xaq u leedahay in ay iska difaacdo gantaallada kaga soo dhacaya Qassa. Ardogan waxaa uu qabaa weerarada Israa’iil in ay yahiin maag iyo dhagar qorshaysan oo lala beegsanayo dad maato ah.

Waa Maxay Sooyaalka Marinka Qassa?

Shaqaaqada Marinka Qassa waxaa ay soo taagnayd tan iyo 1984 markaas oo dagaal ka dhex qaraxay Yuhuudda iyo Carabta. Dagaaladaa waxaa lagu baro-kiciyayay dad tiradoodu kor u dhaafta hal milyan iyo boqol kun iyadoo tirakoobka guud aanu ka badnayn hal milyan iyo shan boqol oo kun.