Goormuu Komiishanku Bilaabayaa Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka Isku Sidkan ?

0
434

Hargeysa (Geeska) – Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in qaybinta kaadhka codbixinta la bilaabi doono 11 ka bishan March, 2021.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay in qaybinta kaadhka cod-bixintu uu bilaabmayo 11 bishan March isla-markaana ay qaadan doonaan Dadkii dhawaan la diwaangeliyey.

“Bishan saddexaad 11-keeda waxa bilaabmaya kaadh qaybintii, waxayna ka bilaabmi doontaa saddexda gobol ee Sool, Sanaag iyo Saaxil” ayuu yidhi Riyo-raac oo Shalay Saxaafadda la hadlay, waxaanu intaa ku daray “Saddexda gobol ee Togdheer, Maroodi-jeex iyo Awdal na way ku xigi doonaan

Guddoomiye Riyo-raac ayaa dhinaca kale la dardarmay shaqaalaha ka shaqayn doona hawsha kaadh-qaybinta, isagoo ku booriyay in ay sharciga dabaqaan oo ay si daacad ah hawshaa u gutaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office