Hargeysa (Geeska)- Waa mar kale iyo mid ka mid ah qisaska maadayska iyo xikmadda is xambaarsan ah ee uu Geeska Afrika akhristayaashiisa uga soo qaadi jiray sheekooyinka Juxa. Qisada maantu waxa ay ka hadlaysaa cadaaladda iyo bal hadda sida uu Juxa ugu dhaqmi jiray, waxa aanay u dhignayd sidan:
Nin Bakhayl ah oo haysta hudheel ayaa maalin maalmaha ka mid ah dood iyo muran adag la galay nin miskiin ahaa oo hudheelkiisan cuntada hortiisa roodhi qarax ah ku cunayey. Ninkan hudheelka haystay waxa uu miskiinkan ku eedaynayey in urta wanaagsan ee maraqa hudheelkiisa ka karaya uu roodhidan ku cunay, sidaa awgeed ay qasab tahay in uu lacag iska bixiyo. Markii ay muddo arrintan ku murmayeen ninkii miskiinka ahaa iyo ninkii hudheelka lahaa waxa ay isla garteen in uu u gar qaado nin oday ah oo meel aan ka dheerayn joogay.
Ninka odayga ah ee labadan is-haystay ay garsooraha ka dhiganayaan waa Juxa oo inta uu labadii ninba dooddoodii si fiican u dhegeystay, kadib ninkii hudheelka lahaa weydiiyey, “Waa immisa qiimaha urta maraqaaga ee uu ninkani ku cunay roodhida”
Damaacigii hudheelka lahaa oo u qaatay in uu gartii isagu helay ayaa ugu jawaabay “Waa nus Diinaar (Diinaarku waa magac qadiimi ah oo lacagta carabtu ula bixi jirtay illaa haddana dalal badan ayaa isticmaala), Juxa ninkii Roodhida cunay ayaa uu ka dalbaday in uu keeno Hal diinaar, ninkii oo cadhaysan oo u haysta in urtii laga iibiyey ayaa dhiibay Diinaarkii” Laakiin sidii labadan nine e is haysta sidii ay moodayeen ma’ ay noqon.
Juxa halkii Diinaar ee uu miskiinka ka qaaday ayaa uu dhulka ku dhuftay, dabcan diinkaarku sidii shilinka ayaa uu bir ka samaysnaa, sidaa awgeed markii uu dhulka ku dhacay sanqad ayuu sameeyey. Juxa inta uu shilinkii uu tuuray dhulka ka soo qaaday ayaa uu dib ugu celiyey miskiinkii lahaa ee uu ka qaaday. Inta uu ninkii hudheelka lahaa ku jeestay ayaanu ku yidhi, "Sanqadha lacagtaa ee aad dhegeysatay waxa ay la qiimo tahay urta cuntadii aad karinaysay. Markaa sanqadhaa lacagta u qaado urtii cuntada, sidaasna ku kala taga”