Gababadii shirka Beer waxaa la soo jeediyay aragti odhanaysa in laga dhigo shirwayne beelaha Somaliland ku doortaan hoggaan cusub, ka Hargayansa aan laga qayb galin , iyadoo la is tusaaleeyay in aanu shirka Hargeysa ka furmayaa ahayn mid ka madax bannaan xukuumaddii xiligaaa jirtay. Laakiin arrintaa waxaa ka soo horjeestay Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa siyaasiyiintii madasha ku sugnayd kii ugu miisaanka cuslaa. Wuxuu yidhi “Ma doonayo in ay Somaliland yeelato laba hoggaamiye oo sidii Caydiid iyo Cali-Mahdi laba meelood lagu kala doorto kadibna hubka isku qaata.”
Gabogabadii shirka waxaa la xulay 22 xubnood oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee beelaha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, waxaana loo diray Hargaysa si ay xukuumadda iyo Golaha Guurtida ugu qanciyaan in shirka dib loo dhigo inta ay dhammaystirayaan arrimaha nabadda.
Waxaa kale oo ay sii kaxeen maxaabiis 80 ku dhaw oo beesha Galbeeka Burco ku soo wareejisay shirkii Beereed.
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo hadda xubin ka ah Golaha Guurtida isla markaana ahaa
oghayihii guddidii Hargeysa loo diray ayaa sidan uga war bixiyey:
“Codsigii aanu xukuumadda iyo Guurtida ula tagnay ee ahaa in shirka la hakiyo
markii hore waa nalagu gacan saydhay. Dhawr jeer markii aanu isku celcelinay wax tanaasul ahna aanu waynay aakhirkii waxaanu go’aansanay in aanu iska noqono.
Markii aanu alaabtii xidhxidhanay baabuurtiina diyaarsanay ayaa naloo yimi waxaana naloo sheegayn in codsigayagii ahaa in shirka la hakiyo nalaga aqbalay. Balse waxay soo jeediyeen in wixii farsamo ahaan u baahan ay si hoose u wadanayaan. Ergadii shirka Beer ka socotay iyo xubno Guurti ahaa oo lagu kordhiyayna waxaa loo diray Koofurta Hargaysa iyo jiidihii dagaalladu ka socdeen.
Markii uu furmay shir-beeleedkii Hargaysa waxaa laga xulay guddi loogu yeedhay "Guddida Turxaan-bixinta" waxaana is barbar socday doorashooyinkii madaxtinimo ee shirka iyo arrimihii nabadaynta. Ugu dan bayntii bishii February 8-deedii, 11-keedii iyo 12-keedii 1997 ayay soo wada xeroodeen xoogagii hubaysnaa ee ka horjeeday xukuumadii Cigaal, isla February 23-keediina waxa dib madaxweyne loogu doortay Cigaal, iyadoo Daahir Rayaale-na ku xigeen loo doortay. Sidaasaana colaaddii isku taagtay, nabadiina ku xidhantay . Yaasiin Jaamac Nuux “Suldaan” ayaa mawduucan si fiican ugu faahfaahiyay buuggiisa Nabdshe. Guud ahaan dagaaladaas waxaa lagu tilmaami karaa ayaan-darro wayn oo aan if iyo aakhiro midna wax tar u lahayn.bulshada
Buraanbur ay tirisay Saado Cabdi Amare ayaa sifaynaya macno-darida dagaalladaas, waxaanay tidhi.
Shisheeye hadduu is dilo waabu kala durkaa
Marada labadeeda dacal ayaa dab ii qabsaday
Ee haddaba Deeqaay dagaalkani muxuu ahaa?
Oo maxay daantani daantaa ku diidan tahay?
Isku soo wada xooriyoo cidkasta oo nabadayntii ka hawlgashay waxay mudan tahay mahadnaq, ammaan iyo bogaadin. Waxaanan odhan lahaa ciddii wax ka qoraysaa waa in ay si fiican u daraasayso wakhtina siiso ururinta iyo dabagalka taariikheed si loo helo sawir dhammaystiran.