Maxamed Ismaaciil Cabdi “Xaaji Bidhaan”, Xasan Guure, Dr. Aadan Yuusuf Abokor, Maxamed Baaruud Cali iyo rag kale oo door ah. Mar aan Xasan Guure wax ka waydiiyay wuxuu ku jawaabay:
“Waxaanu marnay jiidihii dagaalladu ka socdeen iyo meelihii laga abaabulayey laakiin bulshadii halkaa joogtay waxay nagu qaabileeen dareen aad u kacsan iyo jawi colaadeed, waxaanay noo aaneeyeen in aanu ka socono xukuumaddii Cigaal. Kaam-Aborkor waxaa nagu qabsaday dagaal iyo diidmo xoog leh, rabshaddii halkaa ka dhacdayna dad baa ku naf waayey. Aakhirii waxaanu tagnay Xarshin oo aanu ku qabanay shir ballaadhan. Hindisahayagu wuxuu ahaa in aanu nabadda ka bilawno dhinaca qabaa'ilka, waxaa kale oo aanu danaynaynay in aanu isku xidhno dhaqdhaqaayaga nabadeed iyo kii markaa ka socday deegaanada bariga iyo hawdka Burco. Ugu dambayn waxaanu ku guulaysanay in aanu odayaal door ah keeno Hargaysa oo isla markaana iyaga iyo xukuumaddii aanu wada hadalsiino. Dedaalkayagii samo-doonka ahaa waxaa wiiqay dawladdii markaa jirtay oo iska dhex arki wayday guddida. Waxaanay abaabushay oo ay maalgelisay odayaal iyo waxgarad kale oo xaggeeda u janjeedha. Laakiin waxaanu ku guulaysanay in aanu furo albaabkii wada-hadalka.”
Waxa isna jiray oo aan la dafiri karin doorkii muuqday ee qiimaha iyo qaayaha lahaa ee uu nabadaynta ka qaatay Suldaan Galaal oo baryahaas uun la caleemo-saaray.
Dhanka kale, dabayaaqadii bishii February 1996, waxaa degmada Caynaba shir uga furmay beelahah Bariga Burco. Shirkaas oo loo bixiyay “Caynaan” wuxuu idlaaday 14-kii April 1996. Waxa lagu doortay 33 xubnood oo guddi ah oo loo bixiyey “Hoggaan.” Qodobbadii shirkaa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in ay beeshaasi hormuud ka noqoto nabadaynta iyo soo-af-jaridda colaadda ka oogan Somaliland.
Dabayaaqadii bishii May ee isla sannadkaas waxay guddidii Hoggaanku ka hawlgaleen dagaal ka qarxay tuulooyinka xuduudka ka sarreeya. Dagaalkaas oo daaqsin iyo deegaan ku lug lahaa wuxuu u dhexeeyay beelaha Galbeeka iyo Bariga Burco. Dawladda Itoobiya oo u arkaysay in dagaalku dhulkeeda ka socdo ayaa arrintii soo dhexgashay, waxaanay xoog u adeegsatay odayaashii labada beelood iyadoo isugu gaysay degmada Gaashaamo amarna ku siisay in ay go’aan soo saran. Odayadii labada dhinac waxay isla garteen in ay si madax bannaan ay arrinta uga shiraan, beeshii Bariga Burcana waxay ballan-qaadday in ay gogol nabadeed dhigayaan Baali-dhaye oo hoos tagta degmada Gaashaamo.
4-tii June 1996 ayaa shirkaas oo ahaa mid ballaadhani furmay. Wuxu ahaa shirkii ugu horreeyey ee aan gabay ka tiriyo. Waxaan weli xusuustayda ka bixin Ibraahim Aw Nuur oo kamid ahaa waayeelkii shirka hoggaaminayey ayaa loo soo sheegay in inankiisii la dilay. Wuxuu ku jawaabay “Inankayga ha u aarina ee nabadda u aara.” Ibraahin markii dambe wuxuu ka mid noqday Golaha Guurtida.
Horraantii bishii July ayaa Beesha Galbeedka Burcona gogol nabadeed dhigeen degmada Duruqsi oo ka tirsan gobolka Togdheer. Wada-hadallada shirarku waxay u badnaayeen waji qabiil, iyadoo la iska dhawray in siyaasad la dhex geliyo. Siyaasiyiintii waxaa lagu wargaliyay in aanay ka soo qayb geli karin shirkan maadaama uu shir dhaqan yahay.
Waxa xigay shirkii Waraabeeye oo furmay bishii August. Waxaa xusid mudan in shirkaa Waraabeeye ay noogu yimaadeen xubno ka socda Golaha Guurtida. Balse waxaa ku gacan saydhay dhinac ka mida darafyadii shirku u socday, waxaanay ku hanjabeen in ay shirka ka baxayaan haddii aan Guurtida laga saarin. Xubnihii Guurtida waxaanu ka codsanay in ay iska laabtaan, waanay naga aqbaleen.
Shirarkaas taxanaha ah ee bilaha isku xiga la qabanayey waxa ugu dambeeyey shirkii Beer. Shirkaasi wuxuu kaga duwanaa kuwii hore waxaa ka soo qayb galay oo lagu casuumay guud ahaan beelaha Somaliland ku abtirsato. Waxaa iyaguna goobjoog ahaa haldoor ka mid ah saraakiishii SNM, madax-dhaqameed, siyaasiin miisaan leh iyo cidkasta oo ka horjeedday xukuumaddii xiligaa jirtay ee Cigaal. Waxaa kale oo arrinta sii cuslaysay shirweynihii beelaha ee la qorsheeyey in uu Hargeysa ka furmo horraanta 1997, kaas oo lagu dooranayey madaxdii dalka hoggaamin lahayd iyadoo wakhtigaas (dabayaaqadii 1996) ay Guurtidu wadeen turxaan-bixin iyo nabadayn gogol-xaadh ahayd. Shirkaa Hargaysa waxaa werwer iyo cabsi ku beeray shirka Beer ka socday, waxaanay xukuumaddii iyo Guurtiduba u arkeen shir siyaasadeed ka dhan ah ka ay Hargaysa ka abaabulayeen maadaama aanay ka soo xaadirin Beelaha Bariga, beelihii mucaaradka ahaa iyo intii siyaasiyan u diidanayd shirkaas. Gabay aan shirkaa Beer ka tiriyay ayaan ku xusay werwerka iyo cabsida soo food saartay geedigii nabadda. Waxaana ka mida ahaa.
Gurmad lagu aloosiyo haddaan gaadhka lagu meerin
Gar-ma-qaatayaashiyo haddaan geed xun laga maarmin
Inta geela daaqda leh haddaan gararka loo jiidin
Abrisyada god jiifka haddaan galawgu ii sheegin
Gugumaa hadaafiyo haddaan goodka laga weedhin
Gamashiga ka muuqdiyo wakhtigu gaagax waw halis
Gababadii shirka Beer waxaa la soo jeediyay aragti odhanaysa in laga dhigo shirwayne beelaha Somaliland ku doortaan hoggaan cusub, ka Hargayansa aan laga qayb galin , iyadoo la is tusaaleeyay in aanu shirka Hargeysa ka furmayaa ahayn mid ka madax bannaan xukuumaddii xiligaaa jirtay. Laakiin arrintaa waxaa ka soo horjeestay Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa siyaasiyiintii madasha ku sugnayd kii ugu miisaanka cuslaa. Wuxuu yidhi “Ma doonayo in ay Somaliland yeelato laba hoggaamiye oo sidii Caydiid iyo Cali-Mahdi laba meelood lagu kala doorto kadibna hubka isku qaata.”
Gabogabadii shirka waxaa la xulay 22 xubnood oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee beelaha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, waxaana loo diray Hargaysa si ay xukuumadda iyo Golaha Guurtida ugu qanciyaan in shirka dib loo dhigo inta ay dhammaystirayaan arrimaha nabadda. La soco…………..