Dhawaan waxaa i soo galay buugga uu qoray Danjire Cawil ee “Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed.” Ka hor intii aan xafladda lagu soo bandhigin ayaa shirkadda Sagaljet iigu deeqday nuqul ka mid ah. In muddo ah ayaan ka war hayey in buuggu soo socdo oo aan naawilayey. Nasiib -wanaag kumaan hungoobin. Intii aan ka rajaynayey in iyo in kale oo dheeraad ahba waan kala kulmay.
Buuggu wuxu ka kooban yahay 450 bog. Tiraba laba jeer ayaan si fiican u akhriyay. Laba qodob ayaa aad ii soo jiitay. Midi waa xirfadda qoraaga iyo sida farshaxanka leh ee uu ugu xaragoonayo hab-qoraalka buugga. Qodobka labaad waa dhacdooyinka ama sheekooyinka buugga dhex ceegaaga kuwaas oo aad isku dhex ilaawayso mararka qaarna aad moodayso in aad filin daawanayso.
Tusaale ahaan marka uu ka sheekayno inqilaabkii 1961-kii iyo kii kadanbeeyay ee 1969-kii wuxu u soo bandhigayaa si yaableh. Wuxuu kale oo kaaba qoslinayaa marka uu dhex galo dhacdooyinkii mucjisada lahaa ee Iidi Ammiin Daada, Madaxweynihii hore ee Yugaandha. Run ahaantii waa buug aadan ka caajisayn kana daalayn akhriskiisa xiise iyo xaraaradna kugu beeraya. Xeeldheerida iyo aqoonta ku duugani waxay ka turjimaysaa waayo-aragnimada qotada dheer ee qoraaga. Waan ku bogaadinayaa qoraaga kaalintaa uu buuxiyay innagoo ogsoon in ay ka gaabiyeen in badan oo da’diisa ahi.
Intaas marka aan ka soo gudbo, waxa xaqiiqo ah bani’aadamku si kastoo uu u dedaalo in aan il-duuf laga waayayn. Qoraalkaygani wuxuu is dul taagayaa isla markaana isku dayayaa in uu toosiyo qaybaha udambeeya ee buugga, gaar ahaan inta u dhaxaysa 317 ilaa 342, kuwaas oo aan u arkay in qoraagu ku soo bandhigay taariikh kala dhiman. Wuxuu qoraagu guud mar kooban ku sameeyay dagaalladii sokeeye iyo sidii loo soo af jaray waxaanu u dhigay sidan:
“Waxaa sannadkii 1994 dhammaadkiisii Somaliland ka qarxay dagaal sokeeye. Wuxuu ahaa dagaal xabaarsan ayaan-darro weyn. Dagaalkii sokeeye wuxuu ummadda u horseeday dib-u-dhac baahsan haddii ay noqoto xag dhaqaale iyo haddii ay noqoto xag siyaasadeed. Caalamku wuxuu Somaliland ka qaatay sawir ah in aanay waxba ka duwanayn Soomaaliya. Waxaa xusid mudan shaqsiyaadkii ka soo jeeday Somaliland kuna noolaa dalalka Yurub oo u soo gurmaday in ay nabad ka dhex abuuraan dawladda iyo beelihii ka soo harjeeday. Guddidaa nabadaynta waxaa guddoomiye u ahaa Xasan Maygaag Samatar, Af-hayeena waxaa u ahaa Faysal Cali Waraabe. Kulamo dhawr aha ayay guddidu la yeelatay Madxwayne Cigaal, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada. Waxay kale oo ay kulamo la yeesheen madax-dhaqameedka beelihii ka soo horjeeday dawladda oo ay ugu tageen goobihii ay ku sugnaayeen. Waxay guddidu ku guulaysteen in ay isu soo dhaweeyaan labadii dhinac taasoo aakhirkii keentay in ay nabad rasmi ah ka dhalato Somaliland." Qoraagu ma uu xusin ilaha uu xiganayo, sidoo kale masheegin guddidan iyo arrimiheeda in uu goob-joog ka ahaa.
Waxa ii muuqata in qoraagu aanu qaybtan baadhitaan dhammaystiran ku samayn isla markaana uu il-duufay qaybo ka mid ah dedaalladii nabadaynta Somaliland. Dedaalladaas waxa ka mid ahaa shir nabadeed bishii July 1995 ay qabteen odayaal is xilqaamay oo ka soo jeeda beesha Ciidagale, kuwaas oo dedaal dheer u galay sidii dagaalku u soo af-jarmi lahaa. Waxaa iyaguna jiray shirar xidhiidh ah oo u dhexeeyey beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco, kuwaas oo ka soo bilaamay Gaashaamo kuna soo gabagaboobay Beer. Dedaalladaas nabadaynta ayaan mid walba faallo kooban ka bixin doonaa.
Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo loo yaqaan Dr. Bulxan wuxuu ii sheegay in uu bud-dhig iyo aasaasba ka ahaa guddidaa nabadeed ee buuggu u nisbeeyey in ay colaaddii soo af-jareen. Dr. Bulxan wuxu yidhi:
“15-kii November 1994 ayaa dagaalku Hargaysa ka qarxay. Baryahaa dalka waan ku cusbaa. Bishii January 1995 waxaan u tagay madaxwayne Cigaal. Waxaanan la soo qaaday in dagaalka la joojiyo. Cigaal aad buu iila yaabay, waxaanu iigu jawaabay laba nin ayaa dagaalka wada ee miyaad keeni karaysaa. Waa Cabdiraxmaan Axmed Cali “Cabdiraxmaan-Tuur” iyo Jaamac Maxamed Qaalib “Jaamac-Yare.” Labadaa nin waxay taagan yihiin mowqif aad u durugsan, sidaas daraadeed waxan ku odhan lahaa wakhti ha iskaga lumin.
Bishii April 1996 ayuu mar kale Cigaal ii yeedhay. Markii aan u tagay waxaa la joogay rag door ah oo dawladdiisa ka tirsan. Wuxu iga codsaday fikraddii nabadaynta ee aan saddex bilood ka hor ula imid in aan mar kale ku celiyo si ay iila eegaan in ay maan-gal tahay iyo in kale. Markaa labaadna waxba kama suuro gelin. Kadib waxaan u dhoofay Ingiriiska iyo Maraynkanka annagoo abaabulnay aqoonyahankii iyo wax-garadkii qurbaha ku sugnaa si ay uga qayb-qaataan daminta colaadda. Sidoo kale waxaan Addis Ababa ugu tagay Cabdimajiid Xuseen oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya waxaanan ka codsaday in dedaalka nabadeed ee aanu wadno ay naga saacidaan, xaruna ay noo noqoto Addis Ababa. Codsigii wuxuu u geeyay Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi, waanu aqbalay. Kaalmadii aanu u baahnayna waanu ka helnay xukuumadda Itoobiya. Halkaas bay ka aasaasantay guddidaas waxaana la isugu yimid Addis Ababa. Xasan Maygaag Samatar ayaa guddoomiye loo doortay, Xasan Cabdi Buuni waxa loo doortay ku-xigeen, af-hayeenna waxa loo doortay Faysal Cali Waraabe.”
Bulxan wuxuu intaa raaciyay in ay laba kooxood isu qaybiyeen oo qayb guddida ka mid ah loo diray Hawd iyo jiidihii dagaalladu ka socdeen walow uu sheegay in ay dhaafi kari waayeen Gaashaamo sababo jiray awgood. Kooxda labaad oo uu ku jiray Bulxan waxaa loo diray Hargeysa waxayna Cigaal gaadhsiiyeen warqad ay guddidu kaga codsanayso in uu dagaalka joojiyo. Guusha ugu weyn ee guddidaas wuxu ku sheegay in ay ahayd seeskii ay ka bilaabmeen dedaalladii kala dambeeyay ee nabadayntu. Caqabadaha ugu waawayn ee gugidaa ka horyimi waxaa kamid ahaa iyagoo ku beegmay xili aan wili loo bislaan nabadaynta
Sidii aan hore u soo sheegay, guddida kale waxay ahaayeen odayaal iyo aqoonyahan iskood isu xilqaamay kana soo jeeday beeshii dawladda ka soo horjeedday ee Koonfurta Hargeysa, waxaana ka mid ahaa Xaaji Cabdi-Waraabe, La soco…