Goob-Joogayaasha Caalamiga Ah Oo U Sacabo Tumay Qaabkii Doorashada

38
3933

Hargeysa(Geeska)-Goob-joogayaasha caalamiga ah ee kormeerayay doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa soo dhaweeyay qaabka ay u qabsoontay doorashada Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku yidhaahdeen sidan “Iyada oo laga dab qaadanayo doorashada saddexaad ee Madaxtooyada oo dhacday 13 ka November 2017, waxa Hargeysa si rami ah u soo wada gaadhay 60 Xubnood oo ah goob joogayaasha caalamiga ah oo ay  maalgalisay dawladda Ingiriisku kuwaas oo ka kala yimid 20 Waddan waxa ay imika dhamaystirayaan warbixintii hordhaca ahayd oo ay u gudbinayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka iyada oo goob joogayaashiina ay Hargeysa ku soo noqonayaan.

Dr. Michael Walls oo ka tirsan qaybta horumarinta ee Jaamacadda UCL, kana mid ah Somaliland Focus waxa uu yidhi, “ Maalintii doorashada waxa aanu aad ugu faraxsanahay in aanu u soo taagnayn doorasho guud ahaan koobsatay habkii loo marayay Doorashooyinka. Anaga oo ogsoon inay jiraan walaacyo aan la yaraysan Karin, haddana kuwaasi maaha qaar wax u dhimaya geeddi socodkii guud ee doorashada, isla maraana waxa aanu Somaliland ugu hambalyaynaynaa guud ahaan habka nabadgalyada ah ee ay doorashadu  u dhacday. Waa talaabo hore loogu qaaday dhanka kacaanka doorashooyinka.”

Maalintii codaynta, goob joogayaashu waxa ay ka markhaati ahaayeen nidaamkii furitaanka codaynta iyo xidhitaanka celcelis ahaan 350 goobood dhamaan lixda gobol ee Somaliland, sidoo kelana habkii tirinta codadka ayay iyadana arkeen. Goob joogayaashu waxa ay hoosta ka xariiqeen in guud ahaan goobaha cod bixintu ay furmeen isla markaana xidhmeen wakhtigii loogu talo galay, guud ahaana waxa ay ku dhacday xaalad dagan, codayn si nabad galyo ah u dhacday iyada oo aanay jirin wax la sheego oo rabshad ama cabsi gelin ah oo la arkay. Dadka cod bixiyayaasha ahi sida badan waxa ay u codaynayeen iyada oo wax carqalad ahi aanay ka hor imanayn. Goob joogayaasha gudaha iyo wakiilada Xisbiyadu way joogeen waxa aanay si habsami leh u wateen hawshooda iyada oo wax carqalad ah aanay la kulmayn inta badan goobaha codbixinta ee la booqday, inkasta oo aanu ognahay in ay jireen in mararka qaar ay dhacday in goob joogayaal loo diiday in ay galaan goobo cod bixineed ama lagu amray in ay ka baxaan.

Waxa aanu sidoo kale la soconaa tiro arrimo kale oo dhawr ah oo ay ka mid tahay sheegashooyin in dad da’doodu yar tahay ay codeeyeen, in si nidaamsan sirtii codaynta laga saaray marka la eego dadka u baahnaa in laga caawiyo codaynta, in shuruud aan si isku  mid ah loo raacayn mararka qaarkood (marka lagu daro tirinta codadka lagu murmay) iyo joogintaanka iyo soo faragelinta mararka qaarkood ka imanaysay ciidamada ammaanka ee qaar ka mid ah goobaha la booqday, inkasta oo goob joogayaashu aanay arkin cabsi galin baahsan.

Xaddidaadda ay xaddidnayd aqoonta doorashada ee dadka loo gudbiyay ayaa laga yaabaa in ay raad ku lahayd cod bixinta iyada oo cod bixiyayaashu ay u muuqdeen qaar aan hubin sida loo codaynayo, goob joogayaashu waxa ay hoosta ka xariiqeen warbixino sheegaya carqalado, tusaale ahaan sababay in la joojiyo cod bixinta magaalada Badhan ee Bariga Somaliland .

Guud ahaan goob joogayaashu waxa ay qiimeeyeen awoodda xirfadeed iyo hab dhaqanka shaqaalaha doorashada oo guud ahaan ahaa mid wanaagsan, waxa aanu Somaliland ku hambalyaynaynaa qabashada doorasho guud ahaan ahayd mid si nabadgalyo ah ku dhacday isla markaana si wanaagsan loo nidaamiyay. Goob joogayaashu waxa ay soo saari doonaan warbixinooda kama dambaysta ah qaybta hore ee sannadka 2018 ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here