Golaha Wakiillada Oo Fasaxay In Ururrada Siyaasadda La Furo, Ka Hor Doorashada Madaxtooyada & Somaliland Oo Gashay Weji Kale Oo Siyaasadeed

0
714

Hargeysa (Geeska)-Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa lagu meel-mariyey wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Nidaamka Ururrada, ka dib dood iyo falanqayn ay ka yeesheen Mudaneyaasha Golahaasi.

Fadhiga oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa lagu ansixiyey Xeerka Nidaamka Ururada Siyaasadda, kaasi oo fasaxaya in Ururrada siyaasadda la furi karo sannadka dambe ee 2022, iyadoon loo baahnayn habkii hore ee ahayd in ururradu ku soo baxaan doorashada Goleyaasha deegaanka oo ay xildhibaano soo saaraan.

Inkasta oo ay Xildhibaano wax ka beddelka lagu sameeyay Xeerkan Sharci-darro ku tilmaameen isla-markaana ka dareereen, haddana waxa ansixiyey 40 Mudane oo ka mid ahaa Xildhibaannada ka soo xaadiray Fadhiga, halka ay ka diideen 3 Xildhibaan oo keliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ansixinta Xeerkaas ka dib, la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahiyey ujeeddada xilligan keentay in wax ka beddel lagu sameeyo Xeerka, si loo furo ururrrada siyaasadda “Doorashooyinkii Golihii Deegaanka iyo Golaha Wakiilada bisha shanaad baa la qabanayaa, waxaa markaas soo baxday xeer 14, ee Deegaanka lagu qaban jiray marka ururada la furayo, ayaa la soo horumariyey, sida daraadeed maadaama Deegaankii la qabanayo 2021, ururradii waxay ka dhacaysaa shahaadaadii la siiyey 2022-ka, waxaa loo baahan yahay Doorasho toos ah in Ururrada iyo Xisbiyadu ay galaan, Doorasho toos ah oo aanay Diiwaangelin la socon, oo ay ku galaan damacooda, barnaamijkooda iyo shakhsiyadkooda, waxay ahayd in Deegaanka dib loo dhigo oo laga dhigo 2022, Golaha wakiiladana hadda la qabto, mana suurtagalayso in la yidhaahdo haddii Doorashada la qabtay 2021, Ururadii waxaa la furayaa golaha deegaanka ee dambe, shan sanno oo dambe inay Xisbiyadu sii joogaan, waxaanu ka gudubnay dib u dhig dambe, markaas Deegaanka ayaa toos laga dhigayaa, ururradii baa la abaabulayaa, lixdaas bilood ee ka hadhay muddada Madaxweynaha, ayaa la qabanayaa tii Ururrada, saddexda Xisbi ee u sareeya ayaa Xisbiyo noqonaya, waxaas oo sharciyaa ee lagu dhaqmayo ee dalka Golaha ayaa sameeyey, waxaa la nagu xasuusan doono tan baa ka mid ah Axsaabta oo la furo” ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray  oo uu ka hadlay Muddada ay Golaha Joogeen xildhibaannada uu ka midka yahay ee wakhtigoodii gebogabad yahay “ “Annagu meeshan xiiso uma qabno, 16 sanno ayaanu joognay, haddana qalbi furan iyo weji furan in aanu kaga tagno ayaanu rabnaa, waanu raagnay duruufo ayaa keentay, maantana waxaanu diyaar u nahay in aanu idin macasalaayno, waxaana rejaynaynaa in Gole la beddelaa uu yimaaddo”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office