Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur-joogta

0
616

Picture1Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay cod ku meel-mariyay xeerka duur-joogta oo ay hore Xildhibaanaddu dood uga yeesheen.

 Fadhigan shalay oo uu Shirguddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, isla-markaana ay ku sugnaayeen 45 Xildhibaan, ayaa waxay Xildhibaanaddu cod cagn taag ah ku meel-mariyeen Xeerka Duur-joogta Somaliland oo hore ay mudanayaashu Dood uga yeesheen, waxaana ogolaaday 42,halka ay 2 Xildhibaan ka aamuseen cid diidayna may jirin, Guddoomiyhuna muu codayn.