Golaha Wakiilada Oo Gawracay Qorshihii Ay Waddani Iyo UCID Ku Doonayeen In Tirada Guddiga Doorashada Laga Dhigo 9 Xubnood

0
784

Hargeysa(Geeska)-Shirguddoonka golaha wakiilada ayaa laalay mooshin ay xildhibaano ka tirsan golahaasi u gudbiyeen oo ahaa in la sharciyeeyo oo uu golaha wakiiladu ansixiyo heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi ee dhigayay in la kordhiyo tirada guddiga doorashada oo halka ay hadda ka tahay 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood.

Mooshinkan oo uu shirguddoonku u gudbiyay la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada, ayaa wuxuu jawaabtiisii ku sheegay inaanu mooshinkaasi waafaqsanayn shuruucda iyo xeer hoosaadka golaha wakiilada sidaas daraadeed la laalo.

Shirguddoonka golaha wakiilada ayaa markaas ka dib waxay ku dhawaaqeen in goluhu laalay mooshinkaas, waxaanay golaha wakiiladu galeen 45 maalmood oo fasax ah.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu la wareegay maamulkii golaha wakiilada, waxaanu sheegay inay madaxtooyada iyo xukuumadu hor istaageen mooshinkaas ay xildhibaanadu gudbiyeen si tirada guddiga doorashada looga dhigo 9 xubnood.

Mudane Jirde oo saxaafadda kula hadlay baarlamaanka ayaa yidhi “Maanta mid baa muuqata aniga oo ka xun hadalkaa in aan idhaahdo waxa muuqata in ay golihii wakiillada xukuumaddu la wareegtay, waanu dareensanayn in ay farriintaasi ku socoto oo guddoomiyaha lagu saarayay culays golaha naga xidh warkaa waanu hayna.”

Waxa uu intaasi raaciyay in saxeexii madaxweynuhu ku yaallo heshiiska xukuumaddu ka daba timid “Waanu ogayn in guddoomiyaha golaha wakiillada culays la saarayo oo la leeyahay naga xidh golaha, hadda waxa laga xidhayaana waa wax saddexda xisbi ku soo heshiiyeen oo saxeexii madaxweynuhu ku yaallo ayay haddana madaxweynaha iyo xukuumaddiisii inta ay ka daba yimaaddeen leeyihiin xidh oo arrintaa ha dhigin.”

Waxa uu intaasi raaciyay “Umadda waxaanu u sheegayna Golihii Wakiilladu ma madax bannaana, shir guddoonkii waa laga maroorsaday xukumaddaana maroorsatay in golaha la xidho iyo in mooshinka la hor istaago xukuumadda ka dambeysa Garyaqaanka iyo guddoomiyaha toona ku eedayn mayno ee waa loo soo yeedhiyay warkana waanu hayna in la lahaa golaha xidh laakiin, waxay dhasho ayaynu Leenahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here