Golaha Wakiilada Oo Galay Fasax Labaad Oo Todobaad Ah Iyo Nuxurka Qoraalada Ay Isweydarsadeen Gudoomiye Cirro Iyo Shirgudoonka Golaha Guurtidu

0
666

Picture10Hargeysa(Geeska)-Fadhiga golaha wakiilada ayaa dib loo dhigay muddo toddabaad ah, kadib markii todobadii cisho ee hore uu golahaasi fasaxa ahaa lagu xalin kari waayay khilaafkii ka dhex qarxay.

Mudanayaasha golaha guurtida ee ku jiray dhexdhexaadinta golaha wakiilada ayaa mar kale dib u codsaday in la siiyo wakhti dheeri ah, kadib markii wakhtigii hore ay wada qaateen labadii guddi ee ka koobnaa labada dhinac ee golaha isku haya isla markaasna wax guul ah lagu gaadhi waayay.

Ku simaha guddoomiyaha golaha guurtida ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas Siciid Jaamac Cali, ayaa warqad ay ku codsanayaan wakhti dheeri ah u diray guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),kaas oo isaguna si rasmi ah uga aqbalay codsigaas, isla markaasna ku wargeliyay xildhibaanada golaha wakiilada inay fasax sii ahaadaan wakhtigan dheeriga ah ee lagu gudo jiro xalinta muranka golaha wakiilada.

Warqada ku simaha guddoomiyaha golaha guurtida ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Jaamac Cali oo dhamaystiran ayaa u dhignayd sidan “Waxaan idinla socodsiinayaa in hawshii dhexdhexaadintu ay socoto, iyada oo hore ugu jirtay gacanta labada dhinac ee mudanayaasha golaha wakiilada. Haddaba iyada oo ay maanta tahay taariikhu 16/02/2014 oo ay arintu gashay gacanta gudida dhexdhexaadinta ah ee golaha guurtida JSL, gudiduna ay u baahantahay wakhti ay ku baarandegto oo ay ka fiirsato,ayaa golaha fadhigiisa dib loo dhigay ilaa 25/02/2014, guddoomiyaha golaha wakiilada waxa la’la socodsiinayaa inuu sidaas ku wargaliyo xubnaha golaha wakiilada.”

Sida oo kale Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna qoraalkan u baahiyay mudanayaasha golaha wakiilada “Mudanayaasha golaha wakiilada waxa lala socodsiinayaa in gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida JSL ay codsadeen in fadhiyada golaha dib loo dhigo ilaa Salaasada 25/02/2014, sida ka muuqata warqada golaha guurida ee tirsigeedu yahay GG/JSL/47/02/2014 ee ku taariikhaysnaa 16/02/2014.Taas darteed waxa fadhiga caadiga ah ee goluhu uu xidhan yahay ilaa Salaasada 25/02/2014, waxaanu goluhu ka warsugayaa gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida.”