Golaha Wakiilada Oo Durduro Ku Ansixiyay 6 Ka Mid Ah Guddiga Doorashada + Mucaaradka Oo Sheegay Inaanay La Shaqayn Doonin

0
619

Hargeysa(Geeska) – Xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si rasmi ah u ansixiyay lix xubnood oo ka mid ah komishanka doorashooyinka ee cusub oo ay ku jiraan laba xubnood oo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ay ka soo horjeesteen.

Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANi ayaa in yar kadib ansixintooda hadlay waxaanay warbaahinta u sheegeen inay qaadaceen xubnaha komishanka cusub ee la ansixiyay, waxaanay ku baaqeen shir lagu badbaadinaayo Somaliland oo ay ku tilmaameen inay jar ka lulato. Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta komishankan waxaanay sheegeen in doorasho la gali doono marka mucaaradku uu u baahdo uun.

Xubintii Xisbiga Waddani uu hore ugu soo xulay guddiga doorashooyinka oo uu la laabtay ayaan madasha ka soo xaadirin.

Waxa soo xaadiray fadhigan  komishanka lagu anxsixiyay 65 xildhibaan, waxaana shir guddoominaayay guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waaxaana mid mid loogu taagay cod gacan taaga ah, waxaaay xildhibaanadu kala heleen sidan soo socota.

Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) 55 xildhibaan ayaa u codeeyay,5 ayaa diiday, afar ayaa ka aamusay guddoomiyahuna ma codayn, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood 50 ayaa ansixiyay,cid ma diidin, 6 ayaa ka aamusay,guddoomiyahu muu codayn,  Mustafe Maxamed Daahir 58 xildhibaan ayaa codka siiyay, Xasan Yuusuf Ducaale 58 ayaa u codeeyay.

Labada xubnood ee muranku ka taagnaa ayaa ay xildhibaanada golaha wakiiladu sidan codka u kala siiyeen, Kaltuun Sheekh Xasan  55 ayaa u codeeyay , 8 diiday iyo 1 ka aamsay guddoomiyhu muu codayn, Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali ( Riyo Raac) 50 xildhibaan ayaa u codeeyay 13 ayaa diiday, halbaa ka aamusay guddoomiyuhuna muu codayn.

UCID iyo WADDANI

Labada xisbi mucaarad ayaa shir ay wada jir ugu galeen guriga guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa ay kula hadleen warbaahinta markii ay ka soo baxeen, ugu horayn xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen waxa uu hakaas ka sheegay“ Waxii dhacay waad la wada socoteen in baarlamaankii saylad laga dhigay,ciidamana la dul dhigay si qasab ah oo jujuub ah lagu meel mariyay xubno aan dariiq sharci ah ku iman, komishankaasi xaaraanbuu ku yimi xaaran ayuuna ku joogaa, labada xisbi waa ay isku yimaadeen arintaasna wada tashi dheer ayay ka galeen waxa u muuqatay in dumuqraadiyadii Somaliland maanta la gawracay, madaxweynuuna uu u badheedhay.”

Musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Axmed Cabdi Abyan ayaa qaraarka ay wada jirka u gaadheen labada xisbi mucaarad u akhriyay warbaahinta, waxaanu yidhi “ Waxaanu shacabka u sheegaynaa anaga oo ka xun in hanaankii geedi socod ee doorashooyinka oo ah mid ku salaysan dastuurka isla markaasna  bulshada Somaliland u soo martay dariiq dheer  oo ay ku baxday wakhti iyo hanti umadeedba  si loo helo doorasho xor iyo xalal ah  oo ku fadhida hal cod iyo hal qof  in xukuumada Kulmiye ay god dheer ku riday gacantoodana ay ku gawraceen, sidaas daraadeed waxa ay labada xisbi mucaarada ee Waddani iyo Ucid ay cadaynayaan in komishankii doorashooyinka qaranka ee la sugaayay laga duway shuruucdii iyo shuruudii uu dhigaayay xeerka xulista iyo ansixinta xubnaha komishanka doorashoyinka, taas oo meesha ka saartay dhexdhexaadnimadii iyo garsoorkii ay xisbiyada ugu xaq soori lahaayeen.

Kadib markii ay labada xisbi u cadaatay in xukuumada Kulmiye ay baalmartay heshiiskii sadexda xisbi qaran ay u gaadheen madaxtooyada  ee beesha caalamkuna ay ku dhex joogay isla markaasna ay cadaatay In golahii wakiilada laga dhigay saylad isla markaasna hantidii umadda loo adeegsaday danaha xisbiga talada dalka haya  ee Kulmiye,markii ay labada xisbi mucaarad ku qanceen in madaxweynuu burburiyay doorashooyinka  iyo dimuqraadiyadii dalka ka hana qaaday, isla markaasna uu cadaystay nidaam kalitalisnimo, waxay labada xisbi mucaarad ay qaadaceen  wada shaqaynta xubnaha lagu sheegay komishanka ee lagu keenay sifada jujuubka ah, kaas oo loo maray dariiq sharciga baal marsan.

Ugu danbayn waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi oo lagaga arinsanaayo xaalada uu dalku maraayo iyada oo masiirka qaranku uu gabi ka laalaado.”

Xisbiga talada haya ee KULMIYE

Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxa uu dhankiisa sheegay “ Haayadii sharciga ee dalka ugu saraysay ayaa ansixisay madaxweynaha ayaana u gudbiyay xubnihii komishanka lixdii joogay ayayna ansixiyeen, waxay ansixiyaana waa sharci markay sharci tahayna waa inaad taageertaa, waanu taageersanahay, komishan qaran weeye.

Yeelis iyo diidno midna ma laha waxay leeyihiin soo gudbin uun, xubin ayay u leeyihiin xisbiga Kulmiyena xubin uunbuu ku leeyahay,madaxweynuuna laba xubnood ayuu leeyahay, guurtiduna laba ayay leedahay inay soo gudbiyaan ayaa sharci ah, markaanu gudbinana sharciyadii waa ay naga gudubtay, waxay u taalaa baarlamaanka hadii la ansixinaayo iyo hadii la diidaayaba, iyagina waa ay ansixiyeen oo baarlamaan aynu dooranay oo sharci ah ayaa meesha fadhiya ninka kaas leh sharci maaha isaguna sharci maaha.”

Gunaanad

Mar kale waxa Somaliland si rasmi ah ugu soo laabtay khilaafka ka taagnaa arimaha doorashooyinka oo labadii sano ee ugu danbeeyay mucaaradka iyo muxaafidku ay isku khilaafsanaayeen komishanka wakhtigu ka dhamaanayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here