Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Wasiiro Cusub

0
621

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ansixiyey dhammaan Wasiiradii, Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiirul dawlayaashii uu dhawaan Madaxweynuhu magacaabay.

???????????????????????????????

Kal-fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo uu shir gudoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), isla markaana ay ag fadhiyaan labadiisa Guddoomiye ku xigeen, ayaa Guddoomiyaha Goluhu waxa oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Iyada oo la raacayo Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golahaba inaynu ansixino Masuuliyiinta Qaranka,waxa halkan Maanta (Shalay), fadhiya dhawr iyo toban masuul, oo iskugu jira Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno, sidii dhaqanka ahaydna  sidii dhaqanka ahaydna xubin kasta waxa la akhriyi doonaa taariikh nololeedkiisa ama CV-giisa".

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo halkaas ka ahkriyey magacyada Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiirul dawlayaasha Golaha laga ansixinayey ayaa  yidhi "Waxa ugu horeeya Muddane Cabdilaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Wasaarradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada, waxa ku xiga Muddane Cabdilaahi Ibraahim Habane Wasiirka Waxbarashada, waxa ku xiga Muddane Cali Xasan Maxamed Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa ku xiga muddane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxa ku xiga Muddane kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, waxa ku xiga Muddane Axmed Maxamed Ismaaciil Kayse Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada, waxa ku xiga Eng Cabdi Maxamed Hirad Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud,waxa ku xiga Muddane Boos Shire Maxamed, Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga, waxa ku xiga Muddane Cismaan Axmed Jaamac Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada, waxa ku xiga Muddane Mahdi Cismaan Cabdilaahi Buuri, Wasiirul Dawlaha  Wasaaradda Biyaha, waxa ku xiga Muddane Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil  Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Macdanta, waxa ku xiga Cabdi Yuusuf Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Muddane Aadan Cabdilaahi Cabdile Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dib u dejinta, Muddane Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac) Wasiirul dawlaha  Xanaanada Xoolaha"

Intaas kadib ayaa masuul walba golaha hortiisa laga akhiryey taariikh nololeedkiisa, waayihiisa waxbarasho, shaqooyinkii kala duwanaa ee uu soo qatay, waxaana halkaas hadalo ka soo jeediyey Wasiiradda Wasaaradda Hawlaha Guud, Qorsheynta, Waxbarashada iyo Ciyaaraha, waxayna sheegeen waxyaabaha ay doonayaan inay qabtaan, sidaasna waxa ay Xildhibaaanada Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen dhammaan Wasiiraddii.

Doodii xildhibaan Naasir

Hase yeeshee xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa soo  jeediyey in inta aan la ansixin in su'aalo la weydiiyo masuuliyiinta la magacaabay balse rayigaas uu dhiibtay a yaa keenay in buuq, sawaxan iyo sacab uu ka dhasho Golaha, oo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay ku taageereen halka ay qaarna ku diideen,isla markaana ay dhaliileen Xildhibaanka,  balse markii dambe Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isagu sheegay in Wasiirka loo baahdaba in Golaha loogu yeedhi doono si su'aalo loo weydiiyo.