Golaha Guurtida Somaliland Oo La Isugu Yeedhay Fadhi Aan Caadi Ahayn, Ka Dib Dalabka Xukuumadda Iyo Xisbiyada Qaranka

0
614
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Hargeysa (Geeska) – Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa la isugu yeedhay inay iskugu yimaaddaan fadhi aan Caadi ahayn, Isniinta oo ku beegan Maalinta Berri ah.

Warqad Ogaysiis ah oo uu Shalay Warbaahinta u akhriyey Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Naasir Beegsi, ayaa lagu sheegay in Mudaneyaashu ka soo qayb-galaan fadhi aan caadi ahayn, kaasi oo khuseeya arrimo muhiim u ah Qaranka.

Ogaysiiskaasi ayaa u qornaa sidan “Dhammaan Mudaneyaasha Golaha Guurtida meel ay joogaanba waxa lagu war-gelinayaa inay iskugu yimaaddaan fadhi aan Caadi ahayn oo khuseeya arrimo Qaranka muhiim u ah, Maalinta Isniinta oo ay bishu tahay 1-da bisha 2-aad, 2021, Saacadduna tahay 9:00 Subaxnimo, sidaa darteed, waxaana lagu adkaynayaa Mudaneyaasha Golaha Guurtida inay ka soo qayb-galaan fadhigaa aan Caadiga ahay, wakhtigana ay dhowraan.”

Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dhawaan loo gudbiyey dalab ah inay is-waafajiyaan Muddo-kordhintii ay u sameeyeen Golaha Wakiillada oo ku eg bisha November ee sannadkan iyo Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo komiishanku u cayimay inay dhacdo 31-ka bisha shannaad ee sannadkan, sidaasi darteed waxa la filayaa in Mudaneyaasha Golaha Guurtida la isugu yeedhay inay arrintaa go’aan ka gaadhaan, inkasta oo aan la ogayn in Go’aankoodu waafaqi doono dalabka Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ah in doorashadu dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan iyo in Guurtidu go’aankoodii hore ku adkaysan doonaan iyo weliba inay jid kale raaci doonaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office