Golaha Guurtida Oo Maanta Isugu Imanaya Fadhi Xaasaasi Ah Oo Muddo Kordhin Ah Iyo Xildhibaano Odayaasha Ugu Baaqay Inaanay Abuurin Khilaaf Siyaasadeed

0
1132

Hargeysa(Geeska)-Waxa maanta loo dheg taagayaa go’aanka ay golaha guurtidu ka gaadhi doonaan muddo kordhinta golaha wakiilada. Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegay in maanta la isugu imanayo fadhi lagu arrinsanayo oo mudanayaasha golaha dhexdooda ah, iyadoo ay xildhibaano wakiilada ahi ugu baaqeen inaanay guurtidu samayn muddo kordhin aan lagu heshiin.

Golaha guurtida

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dib u dhigay fadhigii degdega ahaa ee golaha guurida laysugu yeedhay kadib markii uu guddoomiyahu sheegay in wax ka dhiman yihiin waxii la horkeeni lahaa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa golaha guuritda Somaliland u soo gudbiyay warqad muddo kordin loogu samaynaayo golaha wakiilada kadib markii komishanku uu madaxweynaha u soo gudbiyay in aanay doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiiladu wakhtigeedii ku qabsoomayn, waxaana guddoomiye Saleebaan oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Golahu dadaalka uu u muujiyay hawlihiisa aadbaad u timaadeen,waxaan jeclahay in aan shirkeena bari ka dhigano sababta oo ah xoogaabaa qabyo ah, maaha xageena wax ayaa qabyo ah oo waan cadaysanaynaa baritoole(maanta) idinka oo raali ah,”

Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa guurtida u gudbiyay heshiis ay gaadheen oo ah inay doorashooyoinku qabsoomaan bisha November ee sannadkan, waxaanay golaha guurtida ka dalbadeen inay muddo kordhintooda ku saleeyaan heshiiska xisbiyada KULMIYE iyo UCID.

Baaqa xildhibaanada wakiilada

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in la sameeyo muddo kordhin khilaaf siyaasadeed oo kale abuurta, xilli khilaaf ka dhex taagan yahay Xisbiyada.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori Mataan iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa iyagoo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ugu horeyn Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori Mataan uu hadalkiisi ku bilaabay “Muddo kordhintan faraha badani runtii ma wanaagsana, anigana muddo kordhintani ilama wanaagsana, Guurtidana waxaan leeyahay waa inaad kordhisaan muddo kordhin mucayin ah oo la isla ogol yahay raalina laga wada yahay, laakiin wax quman maaha in muddo kordhin aan lagu wada qanacsanayn aad sameeysaan”.

Xildihbaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey khilaafka Xisbiyada iyo Komishanka ayaa yidhi “Wax kasta oo la isku hayo waa laga heshiin karaa, waana la xalin karaa, ee Bulshada ha loo tudho, oo kolba yaan la isku dulqabsan, Xisbiga Waddani, waa gartiisa inuu cabasho ka muujiyo Komishanka Doorashooyinka”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna isagoo ka hadlaya Warqada uu Madaxweynuhu u gudbiyey Guurtida yidhi “Waa kaas oo Madaxweynuhu warqadii u qoray Guuritda, ee uu yidhi ka qabsada hawshiina Dastuuriga ah, waxaana igu maqaala ah in heshiis laga gaadhay arintaas, oo iyaga dhexdooda ah, oo ah in muddo kordhinta lagu saleeyo muddo dheer, oo ah laba sanno, laakiin haddii ay taasi dhab noqoto waa ayaan daro iyo nasiib daro, waxaana ay ahayd madaama uu Madaxweynuhu uu yahay Madaxweynihii dalka, inuu u fikiro sidii Madaxweynaha qaranka, oo aanu u fikirin kana cadaadi, kana waxyeel, kana ku xumee”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Komishanka iyo khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, xaq buu u leeyahay inuu soo jeediyey in Komishanka la kala diro, maxaa yeelay Komishanku waa Garsoore, Garsoorahana haddii cabasho laga keeno, oo meeshii ay ka baxdo kalsoonidii lagu qabay, waa qasab in la bedelo, Madaxweynuhuna waa inuu kala diraa Komishankan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here