Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha Guurtida Somaliland Md.Siciid Jaamac Cali, ayaa markii u horaysay si adag uga jawaabay dhaliilo dhaliilo muddooyinki danbe uga imanaayey axsaabta mucaaradka iyo siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga, kuwaasi oo ku saabsanaa qaabka ay mudanayaasha golaha guurtidu ay ku yimaadaan aqalkaasi oo ah qaab dhaxal iyo sida oo kale dhaliilo sheegaya in ay ku jiraan odayaal badan oo xanuunsanaaya, waxaana uu uu sheegay in marka ay ka gole ahaan ay soo buuxinayaan jagada banaanaata ay u soo buuxiyaan si sharciga waafaqsan iyaga oo u maraaya qaab dhaxal ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in maadaama aanu jirin xeerkii lagu maamuli lahaa qaabka loo soo dooranayo mudanaayasha aqalka guurtidu aanu jirin ay ku kalifayso in ay jagadii banaanaata ay u soo buuxiyaan qaab dhaxal ah.
Xildhibaan Siciid Jaamac Cali, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale uu carabka ku dhuftay in aanay jirin cid xaga xiska wax ka qabta oo ku jira mudanayasha golaha guurtida Somaliland, waxaana uu tibaaxay in mar haddii xildhibaanka loo dhaariyo xubinimada golaha guurtida uu leeyahay xasaanad sida oo kalena mudan yahay in la ixtiraamo.
“Waa odayaal siyaasiyiin ah oo mujaahidiin ah, oo sidaad ogtihiin dalka wax badan u soo qabtay, laakiin, maaha hay’ad dhinaca sharciga inoogu jirta. maadaama ay odayaashu yihiin odayaashii dalkana, waxaa wanaagsan in ay qawlkooda, taladooda iyo ficiladoodu siday siyaasiyiinta u yihiin u la-jaanqaadaan. Aad iyo aad baan uga xumahay rag siyaasiyiin ah oo dalka xilal iyo mustaqbal ka doonayaa, iyagoon gaadhin inay isa sii fasakhaan. Golaha guurtidu waa hay’ad sharci ah oo ixtiraamkeeda leh. xubinta Golaha guurtida ahi ama ha yaraato ama ha weynaato ee kol haddii loo dhaariyo xildhibaan ahaan waxay mudan tahay maamuuskeeda iyo xasaanadeeda, in lagu gafana maaha.” ayuu yidhi Mudane Siciid Jaamac Cali.
Md. Siciid Jaamac Cali, oo sida oo kale hadalkiisa sii wat, ayaa waxaa uu yidhi: “Goluhu ama dhaxal ha ahaado ama si kale ha ku soo galo, dadkoo dhan baa wada dhaxal ah, waxaa aad cuqaal arkaysaan iyo salaadiinta ayaa wada dhaxal ah. Markaa mudanuhu qaab kasta ha ku yimaadee Sharciyad uun buu ku yimaadaa, ama reerkoodu ha keeno waa distoorka iyo sharciga waxa aynu raacaynaa, waayo wali golaha guurtidu sharciyadiisii lagu soo dooran lahaa ama lagu soo xuli lahaa ma dhamays tirna sidaas darteed qodobka u fasaxayaa waxa weeyaan jagada banaanaata in ay soo buuxiyaan, ama qof iskii isaga baxay oo iyagu markaa ha keeneen ama inankiisii ama cid kale ha keenaan ee kan ay keenaan ayaa uun aan annagu u eegnaa shuruucda iyo sharciga in uu buuxiyey.”.
Guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali, waxaa kale oo sheegay in mudanaayaasha soo buuxinaya xubinta banaanaata ee golaha guurtida ay mariyaan sharciga wadanka u yaala, waxaana uu sheegay in si uu uga mid noqdo aqalka guurtida looga baahan yahay marka hore in uu keeno warqad caafimaadkiisa muujinaysa iyo mid danbi la’aan ah.
“Mudane kasta intaan la dhaarin waxaa la soo mariyaa caafimaadka, markaynu leenahay dad baa waalan ma waxaynu leenahay hay’addaha caafimaadka ayaa been sheegaya?. Mudanuhu intii aan la dhaarin warqadda dambi la’aanta iyo warqadda Caafimaadka ayuu keenaa, labadaas markuu keeno ayaa dhaarta loo diraa. Waxaanu u dirnaa Dhakhtarka weyn oo soo qoray in Caafimaadkiisa Jidh ahaan iyo Maskaxaan ba ay caafimaad qabaan oo sax yahay Mudane kasta, Yaa Markaas been sheegaya?. Annagu halkan kumaanu arag dad dhimirka wax ka qaba, taasi waa ceeb oo waa cay. Odayaasha annagu odhan mayno qaar waalan baa idinku jira ama qaar khalkhalay baa idinku jira oo Odayaal baad tihiin Ixtiraam naga mudan, markaa sidaas la idiin ixtiraamayo u ixtiraama Golaha.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Jaamac Cali.