Golaha Guurtida Oo Go’aamiyey In Meel Fagaare Ah Lagu Gubo Buugga Sooyaal Ee Uu Qoray Wasiirka Warfaafintu

0
1056

Hargeysa (Geeska)-Golaha Guurtida ayaa go’aan ka soo saaray Buugga Sooyaal ee uu   qoray Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, oo cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah Haweenka Somaliland, oo tilmaamay in  cirdigooda iyo sharaftooda wax lagaga sheegayo, laguna aflagaadeynayo.

Guddidii uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan u saaray cabashada Buuggan inay u kuurgalaan, oo ay dib u eegaan,  ayaa waxay go’aamiyeen in gabi ahaanba Buugan la gubo.

Suldaan ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Guurtida iyo waliba Guddida loo xilsaaray Buuggan, oo Buuggan ka hadlaya ayaa sidoo kale sheegay in Buuggan markii ay u kuurgaleen  oo ay dib u eegeen inay ogaadeen inuu liddi ku yahay Dhaqanka, Diinta iyo Nabadgalyada,waxaanu sheegay inay go’aamiyeen in Buuggan lagu gubo meel fagaare ah, isagoo sidoo kale ka digay in la qoro wax kasta oo umadda iska hor keenaya, waxaanu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa Gudiddan halkan fadhida, oo ah Guddidii loo saaray, ee Golaha Guurtidu u saaray, inay xal ka gaadhan khilaafka Buugga Sooyaal lagu magacaabo, 12/8/2018, ahayd ayaa dacwad waxa Golaha keenay Hablo ka mid ah Hablaha Somaliland,Shir-guddoonkiisa, kadibna Shir-gudoonkii wuu ka aqbalay cabashadii,isla markaana Shir-gudoonku wuxuu magacaabay todoba xubnood iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, Guddidaas waxaa loo saaray in cabashada Hablaha iyo waxay ka cabanayaan in xal laga keeno”.

Mar uu ka hadlaayey go’aanka ay Buuggan ka qaateen Guddi ahaan  “kadib markii ay Guddidu dhegaystay dacwadii Hablaha, oo qoraal iyo hadal ah, kadib markii ay dhegaysatay jawaab celintii cidda ay buugu khuseeysay, oo ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, kadib markii ay Guddidu gaar isku noqotay, oo dood iyo falanqayn ka yeelatay, waxay Guddidu go’aan ka gaadhay qadiyada muddada badan jirtay,waxay Guddidu aqoonsatay in gabi ahaanba Buuggaas ku badan yihiin aflagaado badan oo dhaqanka,diinta iyo nabadgalyadaba wax u dhimaya, mar haddii ay sidaas noqotayna Guddidu waa Hay’adda u xil saaran, Golaha Guurtida ayaa u xilsaaran, nabadgalyada, dhaqanka iyo diinta ilaalinteenda, iyada oo dhammaan dadweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ka wada masuul ah saddexdaaba, haddana waxa si gaar ah ugu xilsaaran Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, Guddi ahaana anaga oo saddexaas ka duulayna, waxaanu go’aankayga ku saleeynay in saddexaas qodob uu Buuggaasi wax u dhimayo, mar haddii uu saddexdaas qodob wax u dhimayo, waxaanu go’aankaygii ku soo ururinay in buugaas dalka laga ururiyo, wixii ay ku qoran yihiin caydaas, ee hore loo daabacay, dhammaantii laga ururiyo, fagaarana lagu gubo, dibna aan loo qori karin isagoo sidaas oo kale ah, guud ahaan Jahmuuriyada Somaliland, waxaanu go’aan ku gaadhnay, in gabayadii iyo aflagaadadii barigii hore, ee dadku reer miyiga ahaayeen, ay isku tirin jireen in aan qoraal lagu samayn karin iyana, si aanay umadda Jamhuuriyada Somaliland, fidno cusub ugu abuurin, calool xumo u kala galinin iyo cadawaad cusub oo imika dib u bilaamanta”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here