Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa si rasmiya u ansixiyey Xeerkii Diwaangelinta Codbixinta iyo Xeerka Diwaangeliinta Madaniga oo Golaha Wakiiladu hore ugu soo gudbiyey, waxaanu sidoo kale wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Diwaangelinta Codbixinta iyo Xeerka Diwaangelinta Madaniga, ee Xeer Lamber 37/2007 ka dib markii Shir gudoonka Golaha Guurtidu sheegay inay saxeen qodobo khilaaf galiyay.
Fadhigii lagu ansixiyey Xeerka Diwaangelinta Codbixinta oo Shalay ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida, oo ay goob joog ka ahaayeen 57-xidhlibaan ayaa waxa Shir gudoominaayey Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu Shir Gudoonku Xildhibaanada Guurtida u sheegay in xeerka sixitaan lagu sameeyay khiladaadkii ku jiray inkasta oo aanay xusin qodobada la saxay iyo sida loo saxay.iyada oo Golaha Guurtida Xeerkan loo qaybiyey Doraad.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali oo isagu kal-fadhigaas ka hadlay ayaa sheegay inay dib u saxeen xeerka diwaangelinta codbixinta, waxaanu yidhi Xeerkani waxa weeye Xeer Markiisii horena laga shaqeeyay, is khilaafka ama faraqa u dhexeeyayna wax yar buu ahaa, waxaana awood la inoogu siiyay inaynu sixitaan ku samayno, Qodobadii ugu muhiimsanaa ee Khilaafku ku jirayna waynu saxnay.xeerkana waa xeer in badan soconayay, la isku eedeeyay, Guurtida lagu eedeeyay,Wakiilada lagu Eedeeyay, Xukumadda lagu eedeeyay, shaqadiisiina la yidhi waa la hor taagan yahay nimankii fulin lahaana waa kuwii doraato (Sabtidii) a ansixiyay. Si aan xeerkaasi dib u dhac ugu iman oo aan eediisu ina saarnaan wixii shaqo ah waan ka soo qabanay waana inaan ansixino”
Intaasi ka dib ayaa Xeerka Shir gudoonku cod u qaaday waxaana Ogolaaday ansixintiisa 52-xildhibaan, afarna wey ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayaanu xeerku ku ansaxay, uguna gudbay Madaxaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).
Xeerkan Diwaangelinta codbixinta ay Golaha Guurtida ansixisay ayaa waxa la filaya in marka dhinaca Madaxweynaha ka soo dhamaato inay si toos ah ugu shaqayn Guddida Komishanka Doorashooyinka.