Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ansixiyay Miisaaniyada Sannadka 2016

0
603

Hargeysa, (Geeska)-Kalfadhigii 12aad ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa oo shalay si rasmiya uga furmay hoolka dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2016.

1111111111111

Kalfadhigan waxa shirgudoominayey gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaana k a soo qaybgalay 19 xildhibaan.

Guddoomiyaha golaha deegaanka Caasimadda Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo furey kalfadhigan 12aad ayaa sheegay ajandaha kalfadhigan lagaga doodi doonno, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa maanta inoo furmaya kalfadhigii 12aad ee golaha deegaanka,waxaana qodobadda ajandaha ah ka mid ah, dhagaysiga warbixinta sanadeedyada guddi hoosaadyada golaha deegaanka ee la xidhiidha waxqabadkooda sanadkii dhamaaday ee 2015.

Ansixinta go’aamaddii ka soo baxay guddida joogtada ah mudaddi u dhexeysay labada kalfadhi. Warbixinta mashaariicdii qabsoomay 2015, ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2016, warbixinta abaaraha iyo gurmadka”.

Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in ajandaha waxna ku dari karaan waxna ka bedeli karaan, waxaana halkaasi dooddooda ka dhiibtay inta badan xildhibaanadda, waxaana loo codeeyey ajandaha kalfadhigan.

Intaas ka dib, waxa la gudda gallay miisaaniyadda 2016-ka, waxaana dood iyo falanqeyn ka dib la isku raacay in la ansixiyo, waxaana ogolaaday 16 xildhibaan, laba xildhibaana way diideen, xildhibaana wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codeyn, sidaas ayey ku ansaxantay.

Gudoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in miisaaniyadan 46% ku salaysan tahay horumarin, waxaanu xusay in sanadkan noqon doono sanadkii horumarinta caasimada iyo wadooyinka, isagoo sheegay in laba bilood ka dib warshadan wadooyinka ee dawladda hoose  bilaabi doonto shaqadeeddii.