“Gobonimadu Waxay Ku Jirtay Inuu Madaxweynuhu Wada Cafiyo Caare Iyo Ciidanka Raacayba”

0
700

Guddoomiye ku xigeenka 2aad Waddani

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan go’aanka  Madxweynuhu ka gaadhay Caare iyo Ciidanka raacay, waxaanu sheegay inay gobonimadu ku jirtay inuu cafis u wada fadiyo, oo aanu kala rabin, isla markaana uu tixgeliyo dadaalka Madax-dhaqameedka, waxaanu tilmaamay inay Jabhado dalka soo mareen oo Madaweynayaashii kala duwan ee taladda dalka u kala dambeeyey ay cafis u wada fadiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Carab iyo labadiisa daan ayaa is qabta oo is qaniina, adduunyadana waxaa la inoo keenay in la ina imtixaano,waa la is qabtaa, wixii la isku qabtana waa laga heshiiya, sida aynu ognahayna Madaxweynayaashii taladda dalka u kala dambeeyey jabhadihii wey wada cafiyeen , oo may u kala eexan, haddii ay tahay Jabhadii Suldaan Wabar , Jabhadihii kala ee ka horeeyey ama ka dambeeyey, sidaas darteed waxaa jiray dadaalo ku waajahna arinta Caare, oo Odayaal dhaqan oo ah Odayaasha Caare ayaa nabad ka keenay Caare, markaas  gobonimadu waxay ku jirtay inuu Madaxweynuhu wada cafiyo Caare iyo Ciidanka raacayba, oo uu tixgeliyo Odayaasha u tagay,balse may ahayn inuu Ciidan oo qudh uu cafis u fidiyo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here