Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.  Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.”

29
3538

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay magacaabay 11 xil oo isugu jira 8 ka mid ah badhasaabada dalka, la taliyihiisa arrimaha bulshada, afhayeenka madaxtooyada iyo guddoomiye-xigeenka hay’adda qaxoontiga.

Digreetada madaxweyne Biixi oo ay ka dhex muuqdaan qaar ka mid ah badhasaabadii hore ee madaxweyne Siilaanyo, waxa ay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta [shalay] wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-     

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:           Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan

Arkay:           Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; 

Markaan ku Qancay:   In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; 

Markaan Sameeyey:    La-tashi Ballaadhan;

 Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here