Go’aamo Ka Soo Baxay Ururka Saxaafadda Ee SOLJA

0
738

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa soo saaray go’aamo ka soo baxay kulan ay yeesheen hoggaanka SOLJA.

Solja-288x300

Warsaxaafadeed uu guddoomiyaha saxaafadda Somaliland soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Hogaanka sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa kulankoodii afar biloodka ahaa ee ugu horeeyey ugu qabsoomay xarunta Guud ee Ururka, kulankaas oo socday 25-26/03/2016-ka, waxaana ka soo baxay go’aamo ka turjumaya xaaladda Saxaafadda Somaliland, iyadoo labadii cisho ee uu kulankaasi socday lagu lafo-guray caqabadaha ku gedaaman Suxufiyiinta.

Kulanka hogaanka sare waxa lagaga Dooday qaabka ugu haboon ee wax looga qaban lahaa Dacwadaha ku furan hay’addaha warbaahinta, wadashaqaynta Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaan, kuwaas oo Ururku u arkay in loo hawl-galo sidii is-faham looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan Suxufiyiinta.

Kulankan oo ahaa kii afraad ee Hogaanka cusub ee SOLJA, isla markaana ah kii koowaad ee sanadkan 2016-ka waxa lagu gorfeeyey dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee afar biloodka ahaa, iyadoo Hogaanku soo bandhigeen wixii u qabsoomay mudadaasi.

Hadaba, Hogaanka Sare ee SOLJA waxay gabagabadii kulankooda ka soo saareen go’aamo iyo baaq ay u arkaan inay dani ugu jirto Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda iyo bahda saxaafadda maadaama masuuliyaddi ka wada saaran tahay dhismaha iyo horumarka qaranka.

Go’aamadda ka soo baxay kulanka hogaanka:

1.       Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda inay sii dayso labada wariye eek u xidhan magaaladda Borama, kuwaas oo muddo lix iyo toban cisho ah ku xidhan xabsiga iyadoo qabashadoodii iyo hayntoodaba aanay masuuliyiinta xidhay u marin sifo sharci ah.

2.       Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso Dacwadaha ka dhanka ah Suxufiyiinta ee yaala Maxkamaddaha kuwaas oo ay Eeddooda u martay xeerka ciqaabta oo ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda.

3.       Ururka SOLJA waxa uu Madaxweynaha JSL ka codsanayaa in uu wax ka qabto Dacwad ka dhan ah wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, kaasoo bishii March kula kacay wariye C/fataas Ismaaciil Caarshe Jidh-dil, Af-duub iyo xadhig sharci darro ah.

4.       Ururka SOLJA waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ugu baaqayaa in uu deg deg u gudda galo Dacwad Dastuuri ah oo uu Ururka Maxkamadda sare u gudbiyey sanadkii 2011-kii taasoo ahayd in Maxkamaddu go’aan ka soo saartao Eedaha ka hor imanaya Xeerka Saxaafadda Xeer N0:27/2004, Qoddobkiisa 10(6), ee ay Xeer ilaalintu ku soo dhisto dacwadaha ka dhanka ah Suxufiyiinta.

5.       Ururka SOLJA isagoo ka duulaya daraasad laga diyaariyey Doorka saxaafadda ee barnaamijyada wax-tarka u leh Qaranka, taasoo muujinaysa Suxufiyiintu inay ka gaabiyeen soo bandhigada baahiyaha ku gedaaman adeegyada bulshada in ay xil iska saaraan isla markaana ay kor u qaadaan tayada warbixinadooda ay bulshada u soo gudbiyaan.

6.       Ururka SOLJA waxa uu suxufiyiinta ugu baaqayaa inay ilaaliyaan Milgaha, Magaca iyo Sumcadda Suxufiga iyo Saxaafadda ee uu Dastuurka Dalka iyo Xeerka Saxaafaddu-ba tilmaameen si ay u jirto karaamadda ay bulshada ku dhex leeyihiin.

7.         Ururka SOLJA waxa uu Suxufiyiinta Somaliland ugu baaqayaa si ay uga hor tagaan ama uga wacyigaliyaan dhalinyarada Somaliland ee Tahriibaysa inay soo Bandhigaan Horuarka balaadhan ee ka socda Dalka, isla markaana sameeyaan barnaamijyo muujinaya fursadaha shaqo ee dalka yaala, gaar ahaana kuwa dhaqaalaha laga samayn karo.

8.       Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Mulkiilayaasha hay’addaha Saxaafadda iyo ku Dawliga ah-ba inay ilaaliyaan xuquuqda Suxufiyiinta u shaqaysa, isla markaana ay ku dhiirigaliyaan wax-soo-saarka ay u sameeyaan hay’adahaasi.

9.       Ugu danbayntii Hogaanka Sare ee Ururka SOLJA waxa uu Hambalyaynayaa Suxufiyiintii ka qayb qaatay isla markaana barnaamijyada ka sameeyey xaaladdii adkayd ee Abaaraha, isagoo ugu baaqay inay ka qayb qaataan soo bandhigida dadka ka faa’iidaysanaya Tacabka Beeraha xilli Roobaadkan ilaahay Adoomihiisa ugu Deeqay si ay Nimcada uga faa’iidaystaan.