“Go’aamada Xukuumadda Ka Soo Baxay Ee Sicir Bararku, Marinkeedii May Marin”

46
3915

Xildhibaan Maxamed Salaax Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay sicir bararka, waxaanu tilmaamay in go’aamada Xukuumadda ka soo saartay ay  uga sii dareen oonay waxba soo kordhin, isagoo soo jeediyey in gabi ahaanba la kala diro Guddida go’aamadan soo saaray ee xukuumadda ka tirsan.

Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xeerka kufsiga oo hore Golaha Wakiilada uga gudbay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaad mooda runtii sida loo maareeynayo arimaha ku saabsan sicir bararka iyo daba qabatayntiisu in fikirkii iyo sidii saxda ahaa runtii loo marin, dadkii aqoonta lahaa ee loo baahnaa inay arintan gacanta ku qabtaana kumay qaban, waxaana muuqata in go’aanka Xukuumadda ee sicir bararku saddex dhinacba uu sameeyn ku yeeshay, dadkii isku bedelka lacagta ka ganacsan jiray saamayn buu ku yeeshay, Bulshadii gaar ahaan dadkii danyar ahaana run ahaantii saamayn buu ku yeeshay, Shirkadihii ka shaqeeyn jirayna saamayn buu ku yeeshay,markaas gabi ahaanba bulshadii mid wax haysta iyo mid aan waxba haysanba runtii saamayn badan buu ku yeeshay.

Dhinaca kale go’aamada Xukuumadda ka soo baxay marinkeedii may marin, runtii waxaad mooda in aanay qiimayn dhibaatada weyn ee bulshada ku dhacaysa, waxaana ka muuqata go’aamadeeda inay cid gaar ah u danaynayso, isla markaana cid gaar ah ay gacanta saarayso, cadaaladna kuma fadhiyaan go’aamadani, si laab la kacana waxaad mooda inay u soo baxayaan go’aamadoodu, oo maruun baa la odhanayaa Guddidii sicir bararku waxaas ayey ku dhawaaqday, markaas waa in la kala diro  Guddida Sicir bararka oo  Guddi aqoon yahana la sameeyo, oo arintan dib u eegta oo bulshadan dib u eegta, in arinkan arin ka duwana la sameeyo waa lagama maarmaan, madaama arintan ay wada taabatay Bulsho iyo Baayac-mushtarba, in arintan dhinac walba la iska taago oo la yidhaahdo maxa inoo dan ah ayaa runtii muhiim ah, oo xeerar wax ku ool ah iyo go’aano si toos ah u taabanaya mawduucan sicir bararka ayaa muhiim ah, Dunida oo dhan sicir bararku uu ka dhacay, lakiin dad baa maareeyey, oo daacad baa lanaga noqday, runtiina go’aamo laab la kac oo  aan la darsin lagana fiirsan ayaa la iska soo saaray, waxyeeladii go’aamadaasina cidna maanta kama qarsoona”.

Xildhibaan Maxamed Salaax ayaa mar uu ka hadlaayey Xeerka Kufsiga ee Guurtida hor yaala Wakiiladana ka gudbay ayaa yidhi “Anigu hore ayaan uga hadlay, waxaana nidhi Xeerka Kufsigu shareecadeena Diinta Islaamka, ma waafaqsana, Dastuurka ma waafaqsana, xeerarkii dalka u yaalayna ma waafaqsana, sida uu u dhigan yahayna maaha si loogu dhaqi karo Bulshadeena Somaliland, uu ka culus yahay, uu ka dhib badan yahay, si loo dabaqaa ma jirayso mana abuurna, inuu Hay’addaha lagu shaxaado, oo meelahaas lala marmaro mooyaane, waaqica nololeed ee aynu ku nool nahay, iyo xaalada ay Bulshadeenu ku jirto, midna ma waafaqsana, Xeerka Kufsigu markii hore si duuduuba buu ku maray Golaha Wakiilada, waana uga mahad celinayaa Guurtida inay Xeerkan aanay  sidiisa ku ansixin, oo ay Guddi u saarto, si loo waafajiyo shuruucda dalkeena iyo shareecada diinta islaamka, waa markii ugu horeeysay ee aan arko Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee  Xukuumadda u qaabilsanaa inuu xeerarka ilaaliyo,in aanu dabaqi karayn Xeerka Kufsiga, sidaas darteedna in badan buu ka hadlay, oo wuxuu yidhi arinkaas talo lanagama galin, xeerarkii kale ee aanu ilaalin jirayna wuu naga dabray, culays baanu nagu yahay, aniguna fikirkaas fikir la mid ah ayaan qabaa, waxaana leeyahay xeerkani xeer dalka anfacaya maaha ee dib ha loogu noqdo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here