Duruufaha adagi dadka ayay kala saaraan. Waxay dibada soo dhigaan shaqsiyada dhabta ah ee qofka. Khilaafaadka iyo muranadda siyaasiga ahi waa imtixaan laga qaadayo siyaasiyiinta. Sida ay u dhaqmaan, u hadlaan, u damqadaan ama u isticmaalaan awoodahooga siyaasiga ah ayaa ah jawaabaha ay bixiyaan ee dadku ku kala saarayo. Gegadda lagu dheelayo, shacbiga ayaa ka garsoore ah. Cidda guulaysataa waa cidda ay iyagu u gartaan.
Qabiilku ceeb maaha oo Ilaahay ayaa inoo abuuray sidaas laakiin xusuusnow:Qofka idiinku sharafta badani waa ka idiinku Alle ka cabsiga badan.
Isticmaalka qabyaalada hore ayaa la inooga digay oo uu nabigu(CSW) u yidhi: “Naga mid maaha qofka u yeedha qabyaaladda, ka u dagaalama iyo ka u dhintaaba”. Sidaas darteed, yeedhmadda jaahiliyaddu (qabyaaladu)way xun tahay oo way uraysaa. Waxaa inooga fiican qaranimadda. Qofka durmaan qabyaaladeed garaaca ee ku tasbiixsadda wuu diiday darajo qaranimo.
Qabyaaladdu waa awooda ugu weyn ee siyaasiyiinta maanta joogaa u isticmaalaan danohooga gaarka ah, wayse ogyihiin dhibaatadeeda. Inta durmaanka qabyaaladda garaacdaa waxay u arkaan inay sidaas ugu badinayso.
Bal u fiirso sida uu macalin Gaariye (AHN) inoo xasuusiyey xumaanta qabyaalada:
“Dugsi ma leh qabyaaladi;
Waa dararta baahida;
Waa astaanta dib-u-dhaca;
Waa boog dalooshoo ,
Dadka maanka kaga taal.
Dirxi qudhun ku nool iyo
Waxa fadha nin daalin ah;
Damqa oo ku joogsada”.
Maxaa khilaafaadka siyaasiga ah loogu badalaa reero is haya?. Adiga oo hebel diidan, maxaad u duraysaa reer hebel? Waa la is khilaafi karaa oo waa la is qaban karaa. Haddii arrimo xisbi la isku qabto, waxaa haboon in xalintooda loo maro nimaadka ururadda iyo xisbiyadda. Haddii Cali iyo Jaamac is qabtaan, maxaa loo odhanayaa reer Qudhac iyo reer galool ayaa is haya!.
Ereyo ku jiray maansadii Ergo ee macalin Gaarriye (AHN) ayaa ahaa:
“Rag hadduu is-af-dhaafo, Aayatiinna wadaago,
Afkaa laysku gartaaye ,Is-afwaajiya maaha;
Isu soo ura maaha; Adigoo hebel diiddan, Eryo reer hebel maaha”. Qabyaaladu waa cadawga ugu wayn ee hortaagan hanaqaadka dawladnimadeena. Midhaha qadhaadh ee laga gurto qabyaaladda hore ayeynu u soo dhadhaminay. Macalin Gaarriye (AHN) oo inoo tilmaamaya wixii ay ina dhaxalsiisay, sawkii lahaa:
“Inta dumar agoomo ah! Inta dhiig dad lagu qubay!
Inta darib nin lagu cunay! Inta duul ku qaran-jabay!
Debec-yaa-lahaayeey, Maxaa degel ku baaba’ay!
Maxaa dhacay ummulo-doox! Anigaa nin-door iyo Anigaa wax dumin kara
Maxaa beel ku “dumug” tidhi! Immisaa dugaag qaday Dubaaxdiina loo wadhay!”
Dhaliisha ugu badan waxaa leh xisbiyadda siyaasadda ee loola jeeday in qabyaalada lagaga baxo ee isku bedalay bustaanka laga beero qabyaaladda.
Dambi iga raaci maayo hadii aan idhaa: Wali xisbiyo inooma dhisna,qaarkoodna umaba eeka. Kii rasmiga inoo ahaa way ka tageen, waraaqihii ay qorteenna way aamini waayeen. Sidaas darteed qofkii taageeraya tartamayaasha siyaasadda waxaan kula talin lahaa inuu taageero shaqsiga uu u arko inuu ku haboon yahay hogaaminta wakhtigaas, ee aanu u taageerin xisbiga uu ka soo jeedo, ama gobolnimo ama reernimo.
Qaarbaa gobolnimo lagu taageeray oo lagu hungoobay. Qaarbaa reernimo lagu taageeray oo laguma nasan. Qaarbaa xisbinimo lagu taageeray oo ku shaqayn waayey. Qofnimadda ma tijaabinaa oo doorashadda ma ku salaynaa shaqsiyadda musharaxa ?
Dhibaatada oo dhan waxaa asal u ah siyaasiyiin xumadda ina haysata.Hanyaridda, hiigsi-la aanta iyo hami-gaabnidda way ka siman yihiin. Haybadda ay sheegtaan waa astaan qabiil. Kursiga oo ay ku fadhiistaan mooyee, aragti intaa dheer ma laha. Qofnimadoodu way iino badan tahay oo waxay ku tiirsadaan qabiilo. Waxay soo saaraan kuwa ka liita iyaga oo maydhmi og. Bal u fiirsada dhallinyarada gacanta u gashay ee xisbiyadda la jooga.
Qof xisbi ku jiraa ayaa mararka qaar u eeg inuu yahay afhayeen beel gaar ahi soo dirsadeen. Madaxda ugu saraysa xisbiga ayaa dhib iyo dheefba wixii magaca xisbiga ku yimaad loo xambaariyaa. Xisbiga dhexdiisa lagulama tartami karo, aragti tooda ka duwan hadaad keentana waxaad u muuqanaysaa qof duminaya xisbiga ama u adeegaya dano shisheeye oo aan kooda ahayn.
Waxay ahayd inay xisbiyaddu soo saaraan hogaamiyayaal wanaagsan oo bulshadda hanan kara. Taa badalkeedana waxay soo saaraan kali taliyayaal ay astaanta wanaagsan ee hogaamintu ku yar tahay. Mid mid ayaa ku soo khaldama, kaasna sida kolba dhulka loo jiid jiidayo ayuu isaga oo silic u dhamaaday ka baxaa xisbiga iyo siyaasaddaba.
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, tixdii Gaarriye (AHN) ee ahayd:
“Haddaad Garas diiddan tahay ,
Ku koob dirirtaada Garas.
Ha nicin gobolkuu ka yimi!
Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysu yahay!”.
Dr.Maxamed-Culimo
London,UK:
Email:mculimo@yahoo.com