Geeska Afrika Oo Soo Ururiyay Aragtida Xildhibaanada Iskaga Soo Hor Jeeday Fadhigii Shalay

0
644

Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee Wakiilada oo aanu wax ka weydiinay khilaafkii shalay ee hakiyey fadhigii golaha wakiilladu in uu furmo ayaa xildhibaannada KULMIYE ku eedeeyey in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay doorashadu waqtigeeda dib uga dhacdo.

Picture3

Xildhibaan Siciid Cilmi Roobel waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Xildhibaannada KULMIYE iyaga oo isku sheegaya aqbaliyad ayey haddana ku kaceen wax aad looga xishoodo, oo ceeb ah,  oo aan dhaqanka ku wanaagsaneyn, waxayna si badheedh ah uga soo dareereen kalfadhigii, oo aanu doonaynay in lagu ansixiyo xeerkii Diiwaangelinta ee uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golahayga, Xildhibaanadani waxay golaha fadhiyeen 12 Sanno, waxayna doonayaan inay iska sii fadhiyaan sannado badan oo kale, waxay diidan yihiin in la ansixiyo xeerkan, waxay diidan yihiin inay meesha baneeyaan, oo ay kuraasta ka kacaan, waxay diidan yihiin oo ay ka soo horjeedaan Digreetadii Madaxweynaha, waxay diidan yihiin inay Doorasho dhacdo, ee Somaliland-eey, arka Xidhibaanadii Kulmiye iyo taloobiiyinka khaldan ee ay ku kaceen”

Xildhibaan Siciid Cilmi Roble waxa uu Geeska Afrika uga warramay sida ay isaga la tahay in la yeeli karo haddiiba ay dhacdo in xildhibaannada KULMIYE sidii shalay oo kale maantana mar kale baajiyaan fadhiga, waxa aanu yidhi, “Waxaan leeyahay meesha (Xildhibaannimada) waxay kaga tagi karaan in 5000 oo qof ay soo jeediyaan in Barlamaanka meesha laga saaro, haddii ay sidaas ku sii socdaana waxay noqonaysaa in talabadaas la qaado, oo meesha laga saaro, ee beri (Maanta), haddii ay Golaha iman waayaan Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay talabadaas qaada, oo shan kun oo qof ku soo jeediya inay meesha ka baxaan (Xildhibaannada Baarlamanku)".

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Xildhibaanada Kulmiye ee ahaa isbahaysiga ee ku soo hadhay Kalfadhiga ayaa  yidhi "NImankan Kulmiye ee ku soo hadhay Kalfadhiga waa Isbahaysigii, laakiin Xildhibaannada baxay waxa hogaaminaayey oo Guddoomiye u ah Obama, isaga ayeyna ka daba tageen, weyna is urursadeen, kalsooni daro ayaana haysa"

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka oo isna aanu dhacdadan wax ka weydiinay ayaa yidhi "Xildhibaanada Kulmiye inay sharaftooda iyo karaamadooda ilaashadan ayey ahayd, Golahana inay ixtiraaman ayey ahayd, ee may ahayn inay Golaha ka baxaan, inay buuq Golahana ka abuuraan may ahayn, Xeerkana in sida ugu dhakhsaha badan loo ansixiyo si aanu wakhtigu inoogu dhicin ayaa wanaagsan"

Muxaafadka:

Dhinaca kale Xildhibaanada Muxaafidka Kulmiye ee Golaha ka baxay oo aanu iyagana wax ka weydiinay sababta keenay inay kalfadhiga ka baxaan ayaa ugu horeynna Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka hadlayey sababta ya Golaha uga baxeen ayaa Geeska Afrika ku yidhi "Anagu ma doonayno in nala marsiiyo xeer aanu hore u ansixinnay, in aanu dib u ansixinno, Xeerkana khilaaf aad u xoogan ayaa hore uga dhashay, in khilaafkii la soo celiyo ma rabno, sidaas ayaanu Kalfadhiga uga soo baxnay, waxaana rabnaa haddii aanu nahay Xildhibaanadii Kulmiye in Doorashada la qabto lix bilood ka hor, taas ayaana ku taagnahay".

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo aanu isna dhankiisa wax ka weydiinay arintan ayaa ku jawaabay "Xildhibaanada Mucaaradku ha joojiyaan aflaagadada iyo cayda, Golahana waanu wada joognaa, ee waxa aan leeyahay haddii aad wax is la haysaan waa inoo berri (Maanta).