Geeska Afrika Oo Helay Xogo Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Qaabka Dawladda Muqidsho Ugu Dhawaaqday La Wareegista Hawada Iyo Saamaynta Go’aankii Dawlada Somaliland

1
4488

icawaHargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, ayaa xogo dheeraad ah ka helay saamaynta uu yeeshay go’aankii ay xukuumadda Somaliland dalkeeda kaga mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo weliba sababta keentay hadalkii ay dawladda Somaliya baahisay ee ahaa inay ICAO ku wareejisay maamulista hawada Somaliland iyo Somaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa Isniintii doraad ku dhawaaqday inay go’aankan adag kaga jawaabayso, ka dib markii ay ICAO ku wareejisay dawladda Somaliya maamulista hawada ka dhaxaysa Somaliland iyo Somaliya oo sannadkii 1993 maamulisteeda lagu wareejiyay ICAO. Haddaba xogaha uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in dawladda Somaliya afduubtay qorshaha ay wateen weftigii ka socday ICAO ee Axadii muqdisho booqday, kuwaas oo uu warku sheegay inay u socdeen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen dawladda Somaliya,  balse aanay marnaba u socon qorshaha ah inay ku wareejiyaan hawada. Xogahani waxay intaas ku darayaan inay dawladda Somaliya cadaadis ku saartay weftigii ka socday ICAO inay la qaataan qorshaha ah in lagu wareejiyo hawada. Weftiga ICAO oo aan u socon qorshahan ayaa la sheegay inay ka gaws-adaygeen dalabkaas dawladda Somaliya, laakiin aakhirkii dawladda Somaliya ayaa weftiga ICAO marsiisay qorshaha ay sii diyaarsatay, iyadoo wasiir ka mid ahaa xubnaha la shirayay ICAO uu si jujuub ah ugu dhawaaqay go’aankaas.

Heshiiska ay hay’adda ICAO ku maamusho hawada Jamhuuriyadii Somaliya, ayaa qodob ka mid ahi wuxuu dhigaya in haddii lagu wareejinayo hawada, dawlad Somaliya ka dhalata marka hore la sameeyo tababaro iyo diyaar garow qaadanaya muddo laba sannadood ah, waana qodobka uu warku sheegayo inaanu suurtogal ka dhigayn in si fudud hawada loogu wareejiyo dawladda Somaliya, maadaama oo aanay jirin dad u tababaran la wareegista hawshan oo ay dawladda Somaliya haysato isla markaana aan la filan karin in ay durba diyaar u tahay gudashada hawshan baaxadda weyn ee aqoonteeda iyo qalabkeedaba u baahan.

Geesta kale, wararka uu Geeska Afrika helay, waxay sheegayaan in go’aankii ay dawladda Somaliland dalkeeda kaga mamnuucday duulimaadyada Qaramada Midoobay uu yeeshay saamayn taban, waxaana shalay shir isugu yimid madaxda hay’adda ICAO iyo xafiis hoosaadka qandaraaska haysta ee CACAS, kuwaas oo ka wada hadlayay go’aanka adag ee ay dawladda Somaliland qaadatay. Warku wuxuu sheegay inay suurtogal tahay in hay’adda ICAO Hargeysa u soo dirto ergo ka socota amaba ay soo dirsato diblomaasiyiin kale oo dhexdhexaadin ka gala mawduucan.

Comments are closed.