Geeska Afrika Oo Helay Warqad Uu Ingiriisku Kaga Hadlayo Qorshaynta Diiwaangelinaha Muranka Keenay Iyo Sidii Aanay Doorashadu Dib Ugu Dhicin

0
652

Picture7Hargeysa (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey meel xasaasiya marayey muranka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland ee la xidhiidha waqtiyeynta iyo kala madax-bannaanaysiinta diiwaangelinta qaadashada kaadhka aqoonsiga ee ay fulinayso xukuumadda Somaliland iyo diiwaangelintii cod-bixiyaha ee sharci ahaan la rabay in ay qabsoonto ka hor inta aan la gaadhin doorashada madaxtooyada ee ay tahay in ay dhacdo 26ka Juun 2015.

Iyadaoo ay xukuumaddu ku adkaysanaysay in la raaco xeerka qabyo-qoraalka ah ee ay u dejisay qaadashada Kaadhka aqoonsiga, ka hor inta aan la bilaabin diiwaangelinta codbixiyeyaasha, arrintaas oo ay xisbiyada mucaaradkuna u arkayaan in ay tahay marmarsiinyo ay xukuumaddu dib ugu riixayso waqtiga doorashada madaxtooyada oo ay 9 bilood oo keliyi innaga xigaan. Sidoo kale waxa ay xisbiyada mucaaradku ka doodayaan qodob xeerka qabyo-qoraalka ah ku jira oo dhigaya in kaadhka codbixinta aan la siin karin muwaadinka aan haysan kaadhka aqoonsiga. Arrintan murankeeda oo keenay in ay marar badan soo farogeliyaan deeq-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan guddida ay u xil saareen in ay isku-dibariddo arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta Somaliland oo lagu magacaabo Guddida haggista dimuqraadiyeynta loona soo gaabiyo DSC.

Haddaba Geeska Afrika ayaa helay warqad ay guddida DSC oo booqashadoodii u dambeeyey dalka ku yimi dabayaaqadii bishii Ogos ay u soo qoreen dhinacyada reer Somaliland ee ay arrintani khusayso. Warqaddaas oo uu ku saxeexan yahay safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Neil Wigan oo u hadlayey guddida DSC, waxa ay si faahfaahsan uga hadlaysaa midhaha guddidan uga soo baxay kulamadii ay la yeesheen dhinacyadaas ay arrintani khusayso iyo qodobbada ay muhiimka tahay in hadda kadib hawsha lagu wado si loo abuuro jawi suurtogelinaya in hawsha diiwaangelinta kaadhka aqoonsigu aanay caqabad ku noqon diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, taas oo haddii ay dhacdo dib u dhigaysa doorashooyinka.

Haddaba qoraalkaas oo nuqul ka mid ah uu helay wargeyska Geeska Afrika, una beddelay Af-Soomaali oo lagu socodsiiyey, Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xasan, Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed, Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Af-hayeenka Baarlamanka Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, isla markaana waxaa Og la siiyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo wasaaraddiisu fulinayso diiwaangelinta waqtigeedu muranka dhaliyey ee Kaadhka aqoonsiga, kuna taariikhaysnayd 9kii Bishan Sebtambar 2014ka, waxa ay u qornayd sidan;

Mudane Wasiir, Guddoomiyeyaal iyo afhayeenka Baarlamanka.

“Waxa aan jecelahay in aan idinka mahadnaqo, kulankii aad la yeelateen guddida hagidda barnaamijka dimuqraadiyeynta (DSC) intii ay ku gudo jireen booqashadoodii Hargeysa ee 25kii illaa 26kii Ogosto”

Mahadnaqaa kadib, Danjire Neil Wigan waxa uu mudanayaashan kor ku xusan qoraalkiisa ugu soo gudbiyey nuxurkii iyo fahamkii ay guddidu ka qaadatay kulamadii ay Hargeysa ku yeesheen waxa aanu qoraalkiisa ku sii yidhi, “Arrimihii muhiimka ahaa ee laga wada hadlay, waxaa uga soo baxay (Guddida DSC) fahamkan hoos ku qodobaysan:

– Komishanka doorashooyinka, dhammaan xisbiyada siyaasadda iyo madaxtooyadu waxa ay si ballaadhan heshiis ugu yihiin in ay ku taagnaadaan nidaamkii hore la isugu waafaqay ee ahaa in la maro hab laba-jid ah oo loo kala maro diiwaangelinta madaniga ah iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

– Iyada oo taas (Qodobkaa sare) la eegayo, xeerka qabyo-qoraalka ah ee diiwaangelinta madaniga ah waa in lagu sameeyaa wax-ka-beddel, si aanay diiwaangelinta madaniga ahi, caqabad ugu noqon in diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu waqtigeedii ku dhacdo. Komishanka doorashooyinkuna waxa uu wasaaradda madaxtooyada, xisbiyada siyaasadda iyo guddi-hoosaadka Baarlamanka ee arrintani khusayso, si dhaqso ah ugu gudbin doonaa lafo-gur dhinaca sharciga ah (Oo arrintan la xidhiidha) iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka lagu samaynayo xeerka qabyo-qoraalka ah.

– Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu wada hadal u bilaabi doonaa, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso, si looga xaajoodo xeerka iyo in waqtiga saxda ah Komishanka loogu soo magacaabo xubno karti leh, oo muxtarim ah.

– Waa in la sameeyo/jeexo khariirad doorasho oo loo dhan yahay/ la isku waafaqsan yahay, taas oo cadaynaysa masuuliyaadka iyo muhiimadaha ay hawluhu kala leeyihiin. Dowladduna waa u diyaar wada xaajood noocaas ah.

– iyada oo ay jiraan arrimo sharci iyo siyaasadeed, marka aynu dhinac kale ka eegno, kulamada guddida hagista dimuqraadiyeynta ee (DSC) waxaa si joogto ah uga soo baxayey caddaynta ah isku-xidhnaan la’aanta iyo is-fahmi waaga heer farsamo ee u dhexeeya hannaan-hawleed ee kaadhka aqoonsiga iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Si hannaanka-shaqo ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu u helo xog inta hadda ka fiican, waxa aanu soo jeedinaynaa in hawl-wadeennada diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha (Oo ay ku jiraan, Komishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasadda) ay wasaaradda arrimaha guduhu ku casuunto in ay la kulmaan shirkadda Sahal Tech ee qaadatay qandaraaska diiwaangelinta kaadhka aqoonsiga, si ay u siiso caddaymaha agabka farsamo ee illaa hadda la qaaday. Waxa ay arrintani sidoo kale kaalin ka qaadan doontaa in ay abuuranto fursad si buuxda loogu fahmo xayn-daabka-waqti ee la siku waafaqay, taas oo qayb ka ah, hannaan-hawleedka shaqo.

Waxa aan sidoo kale jecelahay in aan xaqiijiyo in guddida DSC ay 10ka Sebtambar samayn doonto dabagal ay dib ugu eegayso horumarka laga sameeyey arrimahan, ka hor inta aan la gaadhin waqtiga uu ku eeg yahay heshiiska qandaraaska adeegga iyo agabka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha”