Geeska Afrika: Dhalinyarooy Tahriibku Waa Masiibo, Ee Iska Jira

0
756

Ku dhawaad laba todobaad ka hor waxaa degtay dooni siday tahribayaal afrikaan ah oo u badnaa Soomaali, taas oo ka amba baxday dalka Masar kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.ku dhawaad  40 qof oo isugu jira Soomaali iyo dadyaw kale ayaa ka samata baxay doonta degtay halka intii kale  aan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen,  mana jirto warar xaqiiqo ah oo lagu xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee ka bad baaday doonida degtay.

fffff

Hadaba, Wargeyska Geeska Afrika waxa uu la qaybsanayaa murugada dhamaan dadkii dadkooda ku waayay doonidaa tegtay waxaanu dhalinta Somaliland uga digayaa tahriibta oo aynu dhamaanteen ka war hayno hagardaamooyinka inaga soo gaadhay.

Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu u soo jeedinayaa intii qurbaha tagtay ee ka badbaaday mahlakada tahriibta inaanay walaalahooda kale ee ku sugan dalka aanay tusin muuqaalo malo awaal ah oo ay iskaga qaadeen Yurub.

Geba gabadii Dhalinyarooy Tahriibku waa aafo qaran, musiibo umadeed iyo mushkilad caalami ah, waana dilaaga da’yarta, hadana waa musiibo aan lagu baraargusanayn waxuuna kamid yahay ibtilooyinka tirada dhaafay ee dabar goynta Ba’an ku haya da’yarteena. Markaa walaalayaal ka waantooba tahriibka oo eega inta xabsiyada dunida ku jirta, inta baduhu qaadeen iyo weliba inta gaadhay halkay rabeen se aan gaadhin himiladii ay doonayeen.

Fariinta Wargeyska Geeska Afrika