Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Borama ku geeriyooday danjire Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ahaa wakiilkii dawladda Somaliland ee dalka Itoobiya sannadihii 2007 -2010.
Alle haw naxariiste Marxuumka, waxa shacabka ka tacsiyeeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo warsaxaafadeed madaxtooyada laga soo saaray lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday Boorama maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 25/10/2016.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay qaranka, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiinta muxtarimka ah ee dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Sidoo kale murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku yidhi “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta iyo garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya wakhtigii dawladdii UDUB Marxuum/Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo shalay 25/10/2016 ku geeriyooday magaalada Boorama.
Murashax Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo sida oo kale na Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo dadka u sama-fala sida oo kale na qiimo weyn ku dhex lahaa Qaranka Somaliland oo intii uu ku dhex-jiray xidhiidhada
diblomaasiyaddeed ee Caalamka meel sare gaadhsiiyey magaca Qarankan Somaliland, waxa kale oo uu ku tilmaamay in wakhtiyaddii uu xilka Qaran hayey uu ahaa shakhsigii dhidibada u taagay xidhiidhka Somaliland ay la lee dahay dalka Itoobiya iyo wadamo badan oo Afrika ka mid ah, ku waas oo Somaliland ku ixtiraami jiray
dawladnimaddeeda.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu Alle ka baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo janatul Fardowsa, eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan ba qaranka Somaliland na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.”
Murashaxa madaxweyne ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi ayaa isna yidhi “Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariisteeMarxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay 25/10/2016.
Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriyewaxa uu ahaa aqoonyahan kaalin wayn kaga jiray dalka, kana soo qaybqaatay dadaalladii horumarinta waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii soo maray dalka oo uu u dambeeyey Safiirkii Somaliland u fadhiyey Itoobiya sannado ka hor.
Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.”