Garyaqaan Guuleed Oo Ka Hadlay Furdaaminta Sharci Ee Khilaafka Ka Taagan Muddo Kordhinta

0
614

Picture3Hargeysa(Geeska):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay muranka siyaasiga ah ee dib uga soo cusboonaaday muddo kordhintii dhawaan ay golaha Guurtidu u samaysay xukuumada Siilaanyo iyo golaha Wakiilada, waxaana uu tilmaamay in maaraynta sharci ee lagu furdaamin karo khilaafkaas ka dhashay heshiiskii xisbiyada lagaga bixi karo iyada oo dacwad loo gudbiyo maxkamada dastuuriga ah ee dalka taas oo ku saabsan in aan Guurtidu sharci u lahayn in muddo intaa leeg ay kordhiso iyada oo wakhti ka yar lagu qaban karo doorashooyinka madaxtinimada iyo wakiilada. Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale ka hadlay xaalada bani-aadantinimo ee dadka qaxoontiga ah ee ka soo carara dagaalada ka socda dalka Yeman oo xukuumada Somaliland u diiday in ay soo galaan dalka, waxaana uu sheegay in ay xukuumadu ku garleedahay in ay joojiso qaxoontiga maadaama baa uu yidhi aanay wax taag ah u haynin oo ay ku taakulayso dadka. Md.Guuleed Axmed Jaamac, waxaa kale oo uu sheegay in heshiiska xisbiyada iyo xukuumadu ay sida wada jirka ah u gaadheen aanu ahayn mid bedeli kara go’aankii ka soo baxay golaha Guurtida Somaliland. "Marka hore isweydiintu waxaa ay tahay heshiiskaa ay sadexda xisbi siyaasadeed gaadheen wax ma ka badeli karaa go'aankii Guurtida, sababta oo ah xisbiyada siyaasadeed maaha laan dawladeed oo ka saraysa golaha Guurtida, waa dad shacab ah, marka go'aankoodii iyo heshiiskoodii waxba kama bedeli karo go'aankii golaha Guurtida, madaxweynahuna waxba kama bedeli karo oo qodobka 82aad iyo 43aad uu muddo kordhinta gaar u siinayaa golaha Guurtida oo awood uma siinaayo madaxweynahu in uu wax ka bedelo, golaha Guurtiduna inta ay fadhiistaan haddii ay yidhaahdaan go'aan Labaad ayaanu mar kale soo saaraynaa iyaduna macquul maaha oo hal xaalad oo isku mid ah Laba go'aan oo kala jaad ah lagama soo saari karo. Markaa maarada sharci ee lagu furdaamin karo dhibtani waxa weeyaan sida aan anigu qabo iyada oo qodobka 98 ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland laga duulaayo maxkamada dastuuriga ah dacwad la geeyo oo la yidhaahdo go'aanka golaha Guurtidu muu waafaqsanayn qodobada 83 iyo 42, sababta oo ah mudada ay kordhiyeen muddo ka yar ayaa doorashada lagu qaban karaa oo ah December 2016ka, marka waa in la is waafajiyaa oo maxkamada dastuuriga ahi ay go'aankii wax ka bedeshaa, haddii cid aan Maxkamada dastuuriga ah aanay wax ka bedelin go'aankaas, waxa weeyaan go'aanka Guurtida ayaa waligii sharci sii ahaanaya sababta oo ah dalku sadex waaxood ayaa uu ka kooban yahay oo ah Baarlamaanki, Fulintii iyo Garsoorka, go'aanka midkood qaatana sifo sharci ah ayuunbaa wax looga bedeli karaa.".Ayuu yidhi Md.Guuleed Axmed Jaamac. Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac, waxaa uu sida oo kale sheegay in ay khatar sharci ka soo socoto haddii si toos ah loo qaato heshiiska ay isla gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu iyada oo aanay maxkamadu dib u eegid ku samayn go’aankii ka soo baxay aqalka golaha Guurtida Somaliland.

"Arrinta kale ee jirta iyaduna waxa weeyaan, haddii tusaale ahaan 2016ka doorashada la qabto oo madaxweynahii xilka hayey laga guulaysto oo madaxweyne cusubi helo, Afarta sanno ee soo socota ee April ka sokaysa oo ah mudada Guurtidu kordhisay, marka ma madaxweynahii hore ayaa dalka sii haynaya ilayn muddo xileedkii ay Guurtidu kordhisay waa ay nooshahayee mise ka cusub. halkaas waxaa dhacaysaa waxa weeyaan khal khal siyaasadeed sharci amba ka soo qaad haddii madaxweynaha hada xilka hayaa guulaysto muddo xileedkiisa ma waxaynu uga bilaabaynaa December mise April ilayn kordhintii Guurtiduna waa tan joogta April waxna lagama bedelin ee', arrinkan waa in xal loo helaa oo maxkamada dastuuriga ah la geeya si ay u kala cadayso isna waafajiso arrinkuna sidaas ku dhammaadaa.".Ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed. Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo sida oo kale ah guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka, ayaa ka hadlay dadka tabaalaysan ee ka soo qaxaaya dagaalada dalka Yeman oo xukuumada Somaliland ka horjoogsatay in ay dalka so galaan, waxaana uu ugu horeyn tilmaamay in la dhowr bani-aadamtinimada sida oo kalena la soo dhaweeyo dadka qaxoontiga ah. "Waxaa aynu nahay dal dimuqraadi ah oo xuquuqda Aadanaha ixtiraama oo deris wanaaga ku salaysan oo umadaha illaaliya, dad fara badan ayaa dalkeena ku nool oo soo galay innaga oo taagteenu iska yar tahay, waxaan qabaa in aan taas sii wado oo dadkii innoo imanaayey innaga oo aan kala gurin waxa ay yihiin aynu iska soo dhaweyno, waxii aynu tari karnana aynu tarno, haddii aynaan wax tari karina aynu ugu yaraan ogalaano in ay dalkeena yimaadaan. Taas bani-aadamtinimadeenu waa ay inna faraysaa dhaqankeena suubana waa uu inna farayaa, nidaamka dimuqraadiga ah iyo illaalinta xuquuqda Aadanahuba waa ay inna farayaan, taana waxaan jecelahay in ay dawladu sidaas ku adkaysato.".Ayuu yidhi Md.Guuleed.

Guddoomiyaha xarunta xaquuqal Insaanka Somaliland oo ugu danbeyn hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay gar ku leedahay in ay joojiso qaxoontiga ka so cararaya dalka Yeman, maadaama ayaa uu yidhi aanay wax awood ah u lahayn in xukuumadu ay taakulayso ama wax tarto dadkaa tabaalaysan. "Arrinta ay tahay in dawlada looga garaaba waxa ay tahay dhibaato dawlada waxaa ay ka haysataa taag ay dadkan ku gacan siiso ma haysato, hay'adihiina waxaa ay u yaqaanan dad dalkoodii ku soo noqday, uma arkaan dad dal kale yimi oo waxaa ay u arkaan dalkii oo dhan in uu Somaliya yahay, marka hay'adaha laftoodana waxaan ugu baaqaynaa in dawlada gacan siiyaan oo dadkan ama Somaliya ha u yaqaaniin ama Ajanabi kale ha u yaqaaniin ee' dadkii waa dad tabaalaysan ee in wax la siiyo oo Somaliland lagu taakuleeyo.".Ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac.