Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Aragtidiisa Aqoonsi-raadiska?

0
624

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wuxuu wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii shalay akhristayaashiisa ugu soo gudbiyay waraysi aanu la yeelanay madaxweyne-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo si hufan uga hadlay xaaladda uu wadanku marayo iyo muranada siyaasadeed ee maanta taagan.

Waxaanu maanta idiin soo gudbinaynaan laba su’aalood oo ka hadhsanaa waraysigaas oo ay mid ka mid ahayd sida uu u arko inay Somaliland aqoonsi ku heli karto, waxaanu yidhi  “Waxa ay ku heli kartaa in Afti Qaran la qaado, oo Qaramada Midoobay maamulaan,  Aftidii hore ee Dastuurkeena inaga ayuunba sameeysanay, go’aan shacab goostay ayuuna ahaa.  ee waa in la sameeya Afti Qaran oo caalamka laga dhaadhiciyaa, sidaasna aynu arimaheena ku meel marin karnaa, waxa aan rajaynayaa in Madaxweynuhu soo saaro Digareeto uu ku amraayo Madaxdiisa oo dhan inay ku dhoofaan Basaboorka Somaliland.”

Isagoo ka jawaabaya aragtidiisa tirokoob ay dawladda Somaliya samaysay oo ay xataa ku soo dartay Somaliland wuxuu yidhi  “Hadalkaasi waa hadal ay ku doonayaan inay Adduunka wax kaga cunaan, waa arin iyaga iyo Rag badan oo kale ay doonayaan inay wax ku cunaan, taasi inama quseeyso, teena ayaa ina quseeya inay umaddeenu wada guurto oo isku dan noqoto Somaliland meel uga soo wada jeesato weeye, Waxa aan Bulshada Somaliland ugu baaqaya inay midnimadeeda ilaashato, dalkana meel looga soo wada jeesto”