Garyaqaan Gurey Carwo Oo Shaaciyey Inuu Yahay Murashax Golaha Wakiilada Ah

0
439

gurey herzi4Hargeysa,(Geeska)-Garyaqaan Maxamed Xaaji Maxamuud Xirsi Carwo oo ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka baratay Cilmiga Shuruucda, ayaa si rasmi shaaca uga qaaday inuu u taagan yahay tartanka Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee ku muddeysan inay dalka ka dhacdo badhtamaha Sannadka soo socda, waxaanu si gaar ah ugu tartami doonaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada u meteli doona Gobolka Maroodijeex. Munaasibad si ballaadhan looga qayb-galay oo Garyaqaan Maamed Xaaji ku shaaciyey hankiisa murashaxnimo oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa isugu yimi oo goob-joog ka ahaa Cuqaal, Wax-garad, culimo’udeen, aqoonyahano iyo taageerayaal tiro badan, kuwaas oo dhammaantood murashaxa ku taageeray inuu tartanka doorashada Golaha Wakiillada ka qayb-galo. Waa ugu horeyn munaasibadda ka hadlay Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Cadami, ayaa dadweynihii madasha isugu yimi u faahfaahiyey ujeeddada munaasibadda loo qabtay tahay in lagu shaaciyo Hanka murashaxnimo ee Garyaqaan Maxamed Guray Xirsi ugu taagan yahay doorashada Golaha Wakiillada, waxaanu Cabdiraxmaan Cadami dhalinyarada gobolka Maroodijeex ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan Garyaqaan Maxamed Guray Waxaa uu Cabdiramaan Cadami ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in aan la dafiri karin xaqa dastuurka dalku dhalinyarada u siiyey inay ka qayb-qaataan siyaasadda dalka, gaar ahaan Goleyaasha Sharci-dejinta oo uu xusay inay u baahan yihiin Aqoonta Dhalinyaro la jaan-qaadi karta heerka Caalamka. Waxa kale oo halkaas ka hadlay wax-garad iyo Aqoonyahan ka qayb-galay munaasibadda, kuwaas oo dhammaantood iska daba-maray inay Garyaqaan Maxamed Xaaji ku taageersan yihiin hankiisa murashaxnimo ee doorashada Golaha Wakiillada. Garyaaqan Maxamed Xaaji Maxamud Xirsi Carwo oo gunaanadkii munaasibadda weedho kooban ka jeediyey, ayaa halkaas si rasmi ugaga dhawaaqay inuu u taagan tahay murashaxnimada doorashada tanka dorashadda Golaha Wakiladda Somaliland ee ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto Badhtamaha sannadka 2015-ka. “Waxan halkan maanta (shalay) idiinku casuumay inaan shaaciyo murashaxnimadayda doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee la qaban doono bisha June sannadka 2015, ka dib markii aan la tashi la sameeyey qoyskayga, ehelkayga iyo asxaabta iigu dhow oo runti igu taageeray inaan isu taago doorashada Golaha Wakillada,” Sidaas ayuu yidhi Garyaaqan Maxamed Maxamud Xirsi (Gurey Xirsi).

Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo ay la socoto doorashada Madaxtooyada, ayaa loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto sannadka dambe badhtamihiisa, waxaana muddooyinkii u dambeeyey soo kordhayey dhalinyaro iyo Aqoonyahan rag iyo haweenba leh oo shaaciyey Hankooda murashaxnimo ee ka qayb-qaadashada tartanka doorashooyinka kal dambe.