Garabka Jamaal Ee UCID Oo Geed Hoostii Ku Qabsaday Shir Iyo Guddoomiye Ay Doorteen

0
609

Hargeysa(Geeska)-Garabka xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen ayaa iyaguna shalay shir ay ku qabsadeen geed hoostii ka dib markii xukuumadu ka mamnuucday hoteelka Maansoor oo ay shirka ku qabsanayeen ayaa doortay guddoomiye xisbi iyo murashax madaxweyne oo ay Jamaal u ansixiyeen.

1

Shirkan oo ahaa mid sarajoog ah ayaa waxa ay garabkani guddoomiyaha xisbiga UCID ugu doorteen Axmed Cismaan Aadan (Sabce) oo ay sheegeen inuu noqon doono guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga UCID inta la gaadhayo shirweynaha xisbiga oo ah January 2017.

Mr. Xuseen Badmaax ayaa halkaas ka akhriyay go’aamada shirkaas lagu ansixiyay, waxaanu sheegya in guddoomiye loo doortay Mr. Sabce, iyadoo la ansixiyay heshiiskii ay wada galeen Faysal iyo Jamaal oo ay ugu muhiimsanayd murashaxnimada madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen oo la ansixiyay.

Mr. Sabce oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xilka loo doortay, waxaanu eeddo u jeediyay guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Jamaal Cali Xuseen oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in go’aamada shirkan lagu gaadhay yihiin kuwo sharci ah oo ka turjumaya amarkii maxkamadda sare.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo iyaguna shirkaas garabka Jamaal hadal ka jeediyay ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay sabab u tahay khilaafka xisbiga UCID.